Ciidamada Amaanka Ee Gobolka Sanaag Ayaa Jeelka U Taxaabay Wariye Barkhad Maxamuud Geedi.

0
397

Cerigaabo  (Xogsoormedia.com) Ciidamada amaanka ee gobolka Sanaag ayaa saaka arooryadi hore jeelka u taxaabay wariye Barkhad Maxamuud Geedi, oo ah wariyaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag uga soo warama Tv-ga Somali News Tv.

Waxaanay wararku sheegayaan in  amarka wariyahan Barkhad Maxamuud Geedi, lagu xidhay ee jeelka loogu taxaabay, uu  bixiyay gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay.

iyada oo aan ila hada la garanayn sababta keenatay xadhiga wariyahan maada  oo aanay jirin wax maxakamada oo xalaalaysay xadhigiisan.

maaha markii ugu horeysay ee sidan oo kale uu  maamulka ama badhasaabka  gobolka Sanaag ee Magaalada  Ceerigaabo, uu bixiyo amaro noocan ah oo lagu soo  xidhaayo wariyayaal hawlahooda shaqo gudanaaya oo aan wax danbi qarana gaysan.

dhawaan ayay aheyd markii gudoomiyaha maxakamada sare Somaliland  Aadan Xaaji Cali Axmed uu soo saaray sharciga ah inaan  wariyaha la xidhi karin ilaa amar maxakamadeed lagu xidho.

wariyahan Barkhad  Maxamuud Geedina waxaa uu ka mid yahay wariyayaasha loo xidhay bilaa sababtaa ee uu amarka lagu xidhay uu bixiyay badhasaabka gobolka Sanaag.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here