Jabuuti(Xogsoormedia.com) Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr: Sacad Cali Shire ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geele.
Waxaanu Madaxweynaha Jabuuti wasiirka iyo waftigii la socdayba uu ku qaabilay qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti.
waxaana markii uu wasiirku la kulmay madaxweynaha kulankiisan ku wehelinaayay safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Maxamad Warsame Cali.