“Waxaanu Ummada Somaliland u Cadaynaynaa In Aanaan Marnaba Shaqa Ku Laheyn Soomaaliweyn Iyo Shirka Dalka Turkiga”
“Qaranimada Somaliland Waa Muqadas Waana Lama Taabtaan Ciddii Doonaysa Inay Fara Farayso Il Dheer Ayaanu Ku Eegaynaa”
”Waxa Lala Nux Nux Leeyahay Ama Istanbuuul Halala Tago Ama Xamar Halala Tago, Waanu Ka Soo Horjeednaa Cuqaal Ahaan”
Afhayeenka cuqaasha Somaliland Chief Caaqil Khadar (Bacood )
Hargeysa (Xogsoormedia.com)- Cuqaasha gobolka Maroodi-Jeex ayaa sheegay in aanay shaqa ku lahayn ka qayb galka shirka ka furmaya dalka Turkiga ee la xidhiidha wada hadallada Somalialnd iyo Soomaliya, waxaanay caddeeyeen in ay muqadas tahay jiritaanka iyo qarannimada Somaliland.
Cuqaashani waxa ay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen hoolka shirarka ee xarunta wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland, waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa cuqaal aad u tiro badna oo gaadhaya lixdameeyo caaqil.
Afhayeenka cuqaasha Somaliland Chief Caaqil Khadar Maxamad Axmed (Bacood ) oo ugu horreyn isagu halkaasi hadlay ayaa sheeg in ka madaxdhaqameed ahaan aanay marnaba ka qayb geli doonin shirkaasi ka furmaya dalka Turkiga, waxaanu yidhi “waxaanu shacabka Somaliland u cadaynaynaa in madax dhaqameedka hadii aanu nahay aanaan marnaba shaqa ku laheyn Soomaaliweyn iyo shirka dalka Turkiga lagu qabanayo toona, midnaba inaanan shaqo ku lahayn.”
Chief Caaqil Khadar Bacood isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray in ay il dheer ku eegi doonaan ciddi isku dayda inay nabadgaliyada Somaliland dhaawacdo waxaanu yidhi “Waxaanu si weyn u ayid sanahay qaranimada Somaliland, waa muqadas waana lama taabtaan cidii doonaysa inay fara farayso ama burburiso il dheer ayaanu ku eegaynaa, hadaanu nahay madax dhaqameedka Somaliland, waxa lala nux nux leeyahay ama Istanbuuul halala tago ama Xamar halala tagee waanu ka soo horjeednaa”
Chief Caaqil Maxamad Aw Cismaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay jirin cid qaranimada Somaliland wax yeeli kartaa waxaanu tilmaamay in iyada oo laba jir ah wax la yeeli waayay, waxaanu yidhi “waa lama taabtaan qarannimada Somaliland, cid wax yeeli kartaana ma jirto Somaliland oo way shan iyo labaataan jirsatay, iyada oo laba jira ayaa waxba la yeeli waayay, jiritaanka Somalilandna waa muqadas biyo kama dhibcaana”
Caaqil Maxamad Bade Guuleed oo isaguna halkaasi hadalka soo jeediyay ayaa sheegay in qaranimada Somaliland aanay aheyn mid fadhi lagu helay laakiin ay tahay mid ku timid rabitaanka shacabka naf iyo maal na loo huray waxanu yidhi “qaranka Somaliland ee shan iyo labaatanka sanadood loo soo halgamayay ee loo dhintay ee loo gaajooday ee loo darxumooday ninka soo faragaliya kala laaban mayno ee madaxaan ka goynaynaa, halkuu joogo ayaanu ugu tagaynaa, shirarkana waxa tagi kara oo inoo matali kara uun xukuumada”
Gudoomiyaha cuqaasha gobolka Marroodijeex Xuseen Colaad Jaamac ayaa isagu soo afmeeray hadalkii cuqaasha, waxaanu sheegay inay Somaliland iyo Soomaaliya cirka iyo dhulka isu jiraan waxaanu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya cirka iyo dhulka ayay isu jiraan, oo xuduuda uun baa ka dhaxeeya wax kale oo ka dhaxeeyaana ma jiro, qofka Xamarka ka hadlay ee iska shaqo tagay ee dantiisa u shaqo tagay Somaliland inay ka dudo maaha.”
Caaqil Xuseen Colaad Jaamac waxa uu intaa ku daray “Somaliland waa dawlad shan iyo labaatan jirsatay, oo ciidan inagu filan ayaynu leenahay, xuduudaynu leenahay, dawlad dhisan baynu leenahay, golayaal qaran baynu leenahay, xukuumad siyaasada u bislaatay ayaynu leenahay, oo ilaa duurka u soo seexatay ayaynu leenahay, markaa Soomaaliya wax isugu keen jiraa ma jiraan.”
Gudoomiyaha cuqaasha gobolka Marroodijeex Xuseen Colaad Jaamac waxa uu intaa raaciyay “Soomaaliya dawladii kama dhisna oo 40 Madaxweyne ayaa is garab jooga oo is hoos jooga, colaadiii ugu weynayd imika ayay Gaalkacayo ka socotaa, oo labadii Madaxweyne kastaaba waa ay is dilayaan, dawlada Somalilandna Ilaahay Mooye wax ay u baahan tahay ma jirto”
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland