Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Khilaafka UCID Ku Eedeeyay Ganacsade Ina Aw Siciid

0
353

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Masuul sare oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa eedda Khilaafka Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee UCID ka dhex taagan dusha u saaray Ganacsade Maxamed Aw Siciid.

Siyaasi Mustafe Iid Maxamed, oo ka mid ah madaxda sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa Khilaafka Xisbiga UCID ka dhex taagan eeddiisa dusha ka saaray Ganacsade Maxamed   Aw-Siciid.

mustafe iid77

Isagoo isla markaasina reer Saaxil u cadeeyay in aanay cidi kula socon ee ay kali ku tahay isagoo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waa arin muuqatay wixii ka danbeeyay shirkii Golaha dhexee kulmiye, İn dagaalkii hore loogu qaaday murashixiintii kulmiye ee Goboladda Gabiley iyo Hawd iyo waliba Maroodi-jeex in mid la mida lagu qaaday Murashax Jamaal iyo beesha Saaxil. İnta dagaalkan wadaana waa intii kii kulmiye wadday, “

Siyaasi Mustafe Iid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “kan Ucid iyo Jamaala uu ka xanaf badanyahay dhacdooyin hore oo dhacayna way xasuusinaysaa, Waxa ayaan daro ah in Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo hore dagaal ugala galay Ganacsatada beesha Saaxil inuu u hirgalo qorshohoodii ay ku doonayeen inay ku maal-gashadaan warshadda sibidhkee Berbera iyo Muuse Biixoo İn gobolka saaxil la magacaabo ka dagaalamay ay maantana soo maleegayaan Shirqoolkan murashax Jamaal lagaga tuurayo murashaxnimada UCİD,”

Siyaasi Mustafe Iid ayaa waxa uu hadalkiisii kusoo afmeeray sidan “ waxan u arkaa gaf iyo meel ka dhac sharci waxay dhaawac ku tahay Dimuqradiyadda. Suuro gala noqon mayso oo reer saaxil way ka wayn yihiin kuwo inta Ganacsadahoodii iyo Siyaasigoodiiba la sadqeeyo hadana cod iyo taageero laga helo. Gabagabadii waxan beesha Saaxil u cadaynayaa in Arintaasi İna Aw-Siciid gaar ku tahay ciduu ku matalaana jirin.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmal.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here