Oslo(Xogsoormedia.com):-Saynab Guuleed Cilmi oo ah hooyadii Booliska Norway ku toogteen albaabka gurigeeda oo ku yaalay badhtamaha magaaladda Oslo, kabid markii ay dhakhtarka ka soo baxdayna loo diray xadhig rumaan ah oo shan todobaad.
Xadhiga rumaanka ah ee hooyo Saynab ayaa loo cuskaday, kadib markii Boolisku ku soo eedeeyeen in ku sugeen kiis ah in ay wiil yar midi ku dilaysay. Waxaana ay maxkamada ka codsadeen in jeelka loogu hayo inta ay ka dhameysanayaan baadhisteeda, taas oo maxkamadu ka ogolaatay in Saynab rumaan ahaan loogu hayo jeelka muddo Shan todobaad ah.
Hooyo Saynab mar walba waxa ay ku doodaysay in aanay haba yaraatee wax dil ah ku kicin, una qorshaysnayn in ay cid wax yeesho. Dalka Norwayna ay ku noolayd muddo 15 Sanno ah, muddadaasna aanay gaysay dil iska daayo wax fal dambiyeeda, iyada iyo ciidanka amniguna aanay weligeed kulmin.
Hooyo Saynab waxa maanta xoriyaddeedii dib loogu soo celiyey, ogolaanshaha anbiil ay ka qaadatay eedayntaas lagu soo oogay. Waxaana uu dhacay sidan wareysi uu la yeeshay tifaftiraha guud ee shabakadda ramaasnews Cabdirisaaq Cismaan Fadal ee daawasho haboon:
hadaba halkan ka daawo waraysiga saynab oo dhamaystiran..
Xigasho Ramaasnews
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland