(Xogsoormedia.com)— Ciidamada Milateriga ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo uu leeyahay Ruushku, meel ku dhow xadka Suuriya, kadib markii ay ku soo xadgudubtay hawada Turkiga.
Waxaana diyaaradani inay soo dhacday oo ay ciidamadeeda wadanka Milatariga ee Turkigu ay soo rideen xaqiijisay Wasaaradda Difaaca Ruushka ,diyaarad nooceedu yahay Su-24 ay ku bur burtay gudaha dalka Suuriya, kadib markii Gantaal lala eegtay.
Waxaana wararku sheegayaan in duuliyihii diyaaradani uu iska tuuray diyaarada markii uu gantaalku qabsaday,iyada oo markii ay dhulka u soo dhacdayna uu dab ka kacay diyaaradii
Saraakiil ciidan oo ka tirsan Milateriga dalka Turkiga ayaa sheegay in diyaarada F-16s ay soo riday diyaarada Ruushka, markii ay ku soo xadgudubtay hawada Turkiga, waxaana hore digniino culus loo siiyay duuliyihii diyaaradan waday
Masuuliyiin ka tirsan dalka Ruushka ayaa beeniyay inay ku xadgudbeen hawada dalka Turkiga, waxaana ay tilmaameen in diyaaradahoodu aanay sameynin wax xadgudub ah.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland