Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Khilaafka UCID iyo Is-Casilaadda Musharax Mataan

0
335

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyeku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Xasan (Cali Guray),ayaa ka hadlay Khilaafka Xisbigooda iyo Iscasilaadda Musharaxa jagada Madaxweyne kuxigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo musharaxnmadiina iska casilay isla markaana ku dhawaaqay in uu kaba baxay guud ahaanba xisbiga uu musharaxa aka ahaa.

Guddoomiye Ku-xigeenk Sadexaad ee UCID Cali Guray waxaa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facbook-ga ka dib is casilaaddii Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo ku dhawaaqay in uu iska casilay musharaxnimadii xisbiga uu ugu tartamayay Madaxweyne ku-xigeenka isla markaana kaba baxay xubinninadii Xisbiga taasoo uu sabab uga dhugay burbur Xisbiga ku soo fool leh oo uu tllmaamay in uu sabab u yahay Guddoomiye Faysal.

cali

Cali Guray ayaa qoraalkiisa uu arrinta Xisbigooda kaga hadlay ku bilaabay sidan

Aragtida Khilaafka Ucid ee Cali Guray:

“HA I DHAAFININ AAGA

INTAAN KU DHASHEE

Anigu cudurka fardaha gala kama gubo dameeraha. UCID waa run oo khlaaf gudihiisa ah ayaa jira hadana jinkii Kulmiye galay ayaa galay oo kaarinaya.

Khilaafka UCID si marka loo eego wuu ka sahlan yahay kii Kulmiye oo waxa uu ku kooban yahay Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga iyo Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID. Faysal gudoomiyaha waxa ka dhigay Xeerka UCID halka uu Jamaalna ka dhigay Musharaxa Madaxwaynaha.

Aniga iyo inta ugu tirada badan masuuliyiinta UCID ma kala raacsanin shakhsiyaad balse waxanu heshiis ku nahay in aanu si wada jir ah u difaacno sharciyadda xisbiga iyo danta higsigiisa ah inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland.

Hadaba anigu waan qabaa in UCID uu heli karo fursad uu ku gaadhi karo higsigiisa balse marka hore waxa qasab ah in hogaanka xisbiga iyo kadariintiisuba ay u midaysan yihiin danta xisbiga kana hor mariyaan danaha ay gaar gaarka u kala leeyihiin kana gaashaan taan farogelinta xukuumadda waayo xukuumadda xisbigeedi ka badbaadi waayay ee burburisay xisbiga kale ee fursad u siiya inay burburisana way burburin oo ka nabadgeli maayo. Waayo dee horay soomalidu u tidhi: GUDIN YAHAY HADAAN BADHKAY KUGU JIRIN IMAAD GOYSEEN.

Hadaba waxa jira dad khilaafka UCID ee soo jireenka ah buunbuuniya oo ka rara UCID oo weliba dhaafiya Somaliland oo dhan kana dhiga khilaaf laga wado dhinaca Dawladda Djibouti si ay u sii murgiyaan khilaafka murugsan ee UCID dawadiisana u sii fogeeyaan. Qaarkood waxay iska dhigaan inay UCID u hiilinayaan lakiin runtii way ka hiilinayaan. Anigu waan ka soo horjeedaa kuwaa ku tidhi ku teenka iyo wax aanay cadayn karin ee weliba cayda iyo af legaadada ugu geysta madaxda Dhibouti waxanan leeyahay waryaa Ha I Dhaafinin Aaga Intaan Ku Dhashee. Dawada khilaafka UCID waxa haya Ucid cid kalena kagama xidhana

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmal.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here