Shan Askari Oo Keniyaatiya Oo Ku Dhaawacmay Qarax Miino Oo Saaka Subaxnimadii Hore Xadka Soomaaliya Iyo Itoobiya Ku Haleelay Askartan.

0
316

 

(Xogsoormedia.com)— Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan Ciidamadka dalka Kenya ayaa subaxdnimadii hore ee Isniintii maanta ku dhaawacmay qarax miino lala eegtay gaari ay wateen Ciidamadaasi,  agagaarka deegaanka Hulugho oo ku dhow xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegaya in Miinada ay Al-Shabaab dhulka hoostiisa ugu aaseen miino , waxaana askarta ku dhaawacantay  loola cararay dhanka Isbitaalka, sida uu xaqiijiyay isku duwaha Gobolka Waqooyi bari Saalax Maxamed.

Askarta ayaa xilliga qaraxa lala beegsanayay ku guda jiray howl gal roondo ah oo ay ka wadeen xuduuda.labada dal u dhaxaysa.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col.David Obonyo ayaa xaqiijiyay in askartooda lala eegtay qarax, markii gaari ay la socdeen oo ka soo baxay xerada meel 5-km u jirta, xerada ay ciidamadu deganaayeen.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here