Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Qayb Galay Xaflada Daahfurka Ururka Dhakhaatiirta Caafimaadka Ee Magaalad Ceerigaabo

0
404

 

Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) Weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade, ee hawsha shaqo ku joogay magaala madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa maanta  ka qaybgalay munaasibad lagu daahfureyey xafiiska ururka dhaqaatiirta Somalailand ee SOVA fariciisa gobolka Sanaag.

Munaasibadan oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada gaashandhiga Somaliland Mudane, Axmed Xaaji Cali (Cadami) gudoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falay, Maayirka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo marti sharafkale iyo dhakhaatiirtii iyo madaxdii xafiiskan.

Waxanay dhamaanba masuuliyiintii xafladaasi  ka hadlay ku dheeraadeen muhiimada ururkani u leeyahay caafimaadinta xoolaha maadaama gobolka Sanaag uu hodon k yahay khayraadka xoolaha

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Wariye Cabdiraxmaan Xidig

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here