Warkaa iyo Sawiradiisaba Halkan Kaga Bogo
-Berbera(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) oo maalintii labaad ku sugan Magaala Madaxda Gobolka Saaxil, ee Barbara ayaa maanta Salaadii Jimcaha kula tukaday Miskiidka Huda.
Madaxweynaha oo salaada ku tukaday Masjidu Huda oo hore loo odhan jiray Xuseen Sanca, halkaasi oo uu iimaamkii Masaajidkani sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali khudbadii uu halkaasi ka akhriyay uu ku soo qaatay arrimo doora oo la xidhiidha amaanka markii laga soo baxay salaadiina shacbi weynaha reer Berbera ayaa isugu soo baxay barxada masjidka iyagoo madaxweynaha sacab iyo duco isugu daray si weyna u soo dhaweeyey.
Intaas ka dibna Madaxweynuhu waxaa uu kormeer indha indhayna ku soo maray qaar ka mida wadooyinka Magaalada Barbara,isaga oo di ugu soo laabtay gurigii martida markii uu soo dhamaysrtay kormeerkii indha indhaynta ahaa .
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland