Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) Weftigii uu hugaaminayey wasiirka wasaarada arimaha gudaha Jamhuuriayda Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade ee safarka Shaqo ku joogay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Ayaa maanta hoolka shirarka ee magaalada Ceerigaabo kulan kuala qaatay laamaha Hay’ada dawlada ee heer gobol, heer degmo
Waxaana kulankan diirada lagu saarayay xoojinta nabadgelyada, ka qaybqaadashada horumarinta gobolka, dardargelinta maamulka, adkaynta wadashaqaynta iyo iskaaashiga Hay’addaha laamaha dawlada ee gobolka Sanaag.
Waxaana ugu horeynba kulankaasi ka hadlay maayarka degmada ceerigaabo ismaaciil xaaji nuur iyo gudoomiyaha gobolka sanaag axmed jaamac cabdi oo labadooduba ku dheeraaday mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socda iyo dadaalka shacabiga gobolka iyo xukuumaduba ugu jiraan sidii gobolku u hiigsan lahaa gobolada kale ee dalka.
Waxaa iyaguna dhinacooda kulankaasi ka hadlay xubno aad u tirobadan oo lu hadlayey afka isuduwayaasha gobolka oo dhamaantoodba halkaasi weftiga uga waramay shaqada iyo shaqaalaha wasaaradahooda iyo weliba sida ay diyaarka ugu yihiin fulinta waajibaadkooda shaqo.
Waxaa iyaguna dhankooda halkaasi ka hadlay xubnaha weftiga wasiirada oo dhamaantoodba hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in masuuliyiinta laamaha hayadaha dawlada ee heer gobolka iyo heer degmaduba hormuud bulshada ugu noqdaan hawlaha xoojinta nabadgelyada, ka qaybqaadashada horumarka gobolka iyo ilaalinta midnimada iyo wadjirka.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Wariye: Cabdiraxmaan Xidig.