Hargeysa(Xogsoormedia.com) Weriyihii caanka ahaa ee BBC-da la soo shaqeeyay Axmed Xasan Cawke ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya
Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa maanta xaqiijisay gabadha keliya ee ay walaalo yihiin ACawke oo magaceedu yahay Canab Xasan.
Waxay sheegtay Canab in walaakeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telefoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanaayo, kadibna loo soo xaqiijiyay inuu geeriyooday.
Boqolaal Telifoon oo tacsi ah ayaa durtabadiiba soo gaadhaya laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.
Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.
Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isagoo si weyn loogu yaqiinay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.
Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefishin oo gaar loo leeyahay.
Waxaana aas qaran loogu sameyn doona sida ay wararku sheegayaan magaalada Gabiley.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho BBC Somali.com