Halkan Ka Daawo: Dagaal Qadhaadh Oo Dhexmaray Ciidamada Punland Iyo Koox Ciidan Beeleeda Magaalada Gaalkacayo.

0
318

Gaalkacayo(Xogsoormedia.com) Ciidamada maamulka Puntland iyo Maleeshiyo beeleed ka careysan dhul lagala wareega ayaa waxaa la sheegay inuu dagaal kulul uu ku dhexmarey magaalada Gallgackyo iyadoona uu dagaalkaas uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawacba.
Ciidamada Maamullka Puntland iyo maleeshiyo beeleed ka careysan dhul lagala wareegay ayaa waxaa la sheegay inuu dagaal kulul uu ku dhexmarey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Dagaalkaan oo ay ku geeriyoodeen 2 qofood 11 kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa uu yimid ka dib markii Maleeshiyadaas oo ka careysan dhul ay lahayd dowlada lagala wareegay ay weerar ku qaadeen ciidamo ilaalo ka ahaa dhulkaas oo la sheegay inuu haa dhul ay hor lahayd wasaarada Howlaha guud lkiinse ay in mudo ah ay deganaayeen dad shacab ah

Ugu dambeyntiina iyadoo dagaalkaas oo socday mudo kooban uu sitaagay ka dib markii maleeshiyo beeleedkii weerarka soo qaaday ay goobtaas ka baxsatey ayaa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Gobolka Mudug Gaashaanle dhexe Cabdirashiid Xassan Xaashi (Gabi-gabi) waxauu sheegay inay soo af jareen waxa uu ugu yeeray malesshiyo beeleed weerar ku soo qaaday ciidanka Booliiiska asagoona eeda weerarkaas dusha uga tuurey inuu soo abaabulay nin uu sheegay inuu sheeganaayo mililinimada dhulkaas asagoona wacad ku marey ina soo qaban doonaan ninkaas islamarkaana ay sharciga hor keeeni doonaan.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho Allbanaadir News.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here