Wariye Cabdiraxmaan Xidig Oo Maanta Gudoomiyaha Gobolka Sanaag  Iyo Askarta Ilaalada Xarunta Kaadhka Muwaadinku Garaacis Iyo Jidh Dilis Ay Ugeysteen.

0
259

 

Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) wariye cabdiraxmaan xidig oo ah wariyaha  gobolka Sanaag uga soo warama Tv-ga Bulsho ayaa waxaa jir dil iyo garaacis u gaystay askarta ilaalada xarunta qaadashada kaadh muwaadinka ee Somaliland,  magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag iyo gudoomiyaha gobolka sanaag axmed cabdi falaay.

waxaana si toosa looga horjoogsaday shaqadii uu watay wariyahani, iyada oo warbaahinta kale ee gobolka ee xaruntani joogtay ay si toosa  u wateen hawshoodii shaqo.

wariye cabdiraxmaan xidig oo si faahfaahsan uga hadlaya sidii ay askartu iyo gudoomiyaha gobolku ay wax u soo gaadhsiiyeen iyo sidii ay wax u dhaceen ka waramaya ayaa yidhi “warbaahinta ayaa yidhi  “mar aan maanta hawlo shaqo u tagay xarunta qaadashada kaadhka aqoonsiga somaliland ee gobolka Sanaag oo ay ka socotay bixinta kaadhadh ka aqoonsiga somaliland ayaa waxa shaqadaydii, iska kay hortaagay gudoomiyaha gobolka sanaag axmed Cabdi Falaay isla markaana goobta igufara saaray”

wariye cabdiraxmaan xidig waxa kale oo uu sheegay in gudoomiyuhu bixiyay amarka lagaga horjoogsaday shaqadiisa, sidoo kale isaga iyo askartii xafiiska ilaalinaysayba ay halkaasi garaacis iyo jir dil ay ugu gaysteen isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “gudoomiyahaayaa  amar siinayay  ilaalada xafiiska diwaangalinta muwaadinka ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyaga oo halkaasina, handadaad iyo gacansaar aan loo meel dayin iigu geystay badhasaabka Gobolka Sanaag Falay iyo askartaa Xaruntan ilaalinaysayba , waxayna sidaas iigaga joojiyeen shaqadaydii oo ay warbaahinta kale si caadiya u wateen shaqadoodii , iyo hawl maalmeedkoodiiba”

Wariye Cabdiraxmaan isaga oo hadalkiisa siiwata waxa u intaas ku daray oo uu yidhi “ma garanayo sababta ka danbaysay garaacistan  iyo handadaada, badhasaab Falay iyo nimankan askarta ahi ay iigaysteen,  maaha markii ugu horaysay ee uu warbaahinta ka hawlgasha  gobolka Sanaag, uu xadhig  hanjabaad iyo gacanka hadal ugu gaysto magaalada, Ceerigaabo gaar ahaan xarunta gobolka Sanaag”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here