Hargeysa (Xogsoormedia.com) Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye) oo u sharaxnaa Jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inta isaga u codaysay iyo intii ka codaysaynba in Ilaahay midnimada Somaliland fahansiiyo,waxaanu hanbalyo u diray intii u codaysay iyo intii ka codaysayba.
Waxaanu walaac ka muujiyay habkii iyo hanaankii ay u dhacdya codaytu waxaanu tilmamay in khaladaad ka dhacay madashi shirka.
Sa Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye) Isagoo arrimahaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.”Waxaan soo jeedinayaa in dib loogu noqdo habka doorashada loo qaaday mustaqbalka danbe, waayo waxaa dhacay khaladaad. Waxaan anigu idin sheegaya in aan hankaygu halkaas ku eekanay, intii ii codaysay waan u mahad naqaya inta iga codaysana alle ha fahan siiyo midnimada.”
Saleebaan Ciise Xaglatoosiye sidoo kale waxaa uu ka hadlay waxaa uu yeeli doono waxaanu yidhi “Tallo ayaan kula noqonayaa dib ayaan ka soo sheegi doona labada xubnood ee la doortayna waxaan leeyahay maanta ayay hawli bilaabantay oo tartan idin bilaabmay ee ogaada”
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland