Mudahraad Balaadhan Oo Gilgilay Xarunta Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo.

0
340

Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) Waxaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka dhacay mudahraad balaadhan, mudahraadkan oo dhacay abaaro 12:oo-kii duhurnimo ee maanta.
Sababta mudahraadkan keentay ayaa ahbaa la leeyahay soo qabashada nin looga shakiyay inu hub soo galiyay gobolka Sanaag gaar ahaan buurta Surad oo dhinaca bidix ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Ninkani lagu tuhunsan yahay in uu isagu soo galiyay hubka gobolkani Sanaag ayaa magaciisa la yidhaaha Axmed Cadab.
Waxaanu iska hor imaad uu dhexmaray dadweynihii ka soo horjeeday in ninkan la qabto iyo ciidanka dawlada oo iyagu soo qabanaayay ninkan.
Waxaana ciidanku ay rasaas ku fureen dadkii mudahraadka sameynaayay, hase ahaate ma jirto ilaa hada cid wax ku noqotay.
Waxaana la sheegaya in ciidanku hada ay gacanta ku soo dhigeen ninkii lagu tuhunsana inuu hubkan buurta keenay oo uu isagu soo galiyay gobolka.
Walaw ay jiraan gadiid ay waxyeelo soo gaadhay iyo isu socodkii magaalada Ceerigaabo oo xdhmay.
Walina waa uu socdaa Mudahraadkii
Wixii warara ee danbee ka soo cusboonadaana waxanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here