Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamad Daahir (Cukuse) ayaa maanta khudbad aad uqiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xuska maalinta warbaahinta aduunka oo maanta Siwayn looga xusay Magaalada Hargeysa.
Xafladan oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen inta badan Saxaafada Soomaaliland iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacday Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.