Jabuuti(Xogsoormedia.com) Xidigii hore ee xulka Egland David Beekham ayaa booqday xero qaxoonti oo ku taal;a dalka Jabuuti.
Xeradan oo ay ku jiraan qaxoonti gaadhaya ilaa 10-kun oo qoys isaga oo xidigani xeradaas u tagay indha indhayn la xidhiidha nolosha ay ku nool yihiin dadkaasi qaxoontiga ahi.
David Beekham ayaa intii uu ku guda jiray bookhashadiisa uu ugu kuurgalay dadkaasi qaxoontiga waxa uu indhihiisa ku soo arkay waxyaabo uu aad ula yaabay gaar ahaana caruurta dada yare ee ku dhibaataysan xeradaasi qaxoonti.
David Beekhaam oo warbaahinta la hadlaayay isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “caruurtan aan la kulmay ee aan idhahayga ku soo arkaya iyaga iyo eheladooda ee ku nool xerada qaxootiga ee Cali Cadde ad iyo aad ayay u mooraal jabisay qalbigayga”
Waxaanu Beekham hada Wakiil ka yahay Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhalaanka ee UNICEF, waxaana uu door ka qaadanayaa mashruuc dhaqaale loogu uruurinayo dhalaanka.Afrika.
David Beekham isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waa wax laga argagaxo in aad aragto nolosha caruurta ay dhinaca kale rogeen natiijada rabshadaha, waxayna igu noqotay qalbi jab in aan arko carruur ku nool duruufaha sidan u qalafsan”
Xerada uu booqday xidiga reer Egland ee David Beekham ayaa waxa ay tahay xero inta badan ay ku nool yihiin dadkii ka soo barakacay colaadaha ka jira wadamada Geeska Afrika Sida Soomaaliya, Eritariya iyo Itoobiya.
David Beekham waxaa uu xusay in caruurta uu halkaasi ku soo arkay ay yihiin caruur ay noloshoodu aad u liidato waxaanu yidhi “Dhamaan caruurtaas wax dhib ah kuma qabaan halka ay ku nool yihiin, balse waxay mudan yihiin inay helaan fursad nolol cadaalad ah”
Beckham ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay ee uu booqdo xero qaxooti, isla markaana uu ku soo arkay xaalada nololeed ee caruur dhibaateysan oo ka soo qaxay colaadaha wadamada Geeska Afrika ka jira..
Wixii warara ee danbee soo baxana waxaa aad kala socon doontaan shabakada wararka ee Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland