Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dr Cabdi Aw Daahir Cali,ayaa Ummadda reer Somaliland kula dar daarmay in ay u midoobaan danta Qaranka isla markaana ay u kala soocnaato arrimaha Mariirka qaran ee Somaliland iyo kala duwanaanta afkaarta siyaasiga ahi.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Dr Cabdi Aw Daahir sababaha ay isku caslleen ee ay uga tageen xilalkii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hayeen oo uu sheegay in ay tahay oo kaliya Madaxweynaha oo ay iskuaragti ka noqon waayeen cidda Madaxweynaha dabadii loo cumaamadayo in uu u tartamo hoggaaminta dalka.
Dr Cabdi Aw Daahir waxaa uu sidaa ku dheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxaanu ugu dambayn bulshada kula dardaarmay midnimada iyo wada jirka Somaliland.
FARRIIN
Muddadii 13 ka sanadood waxaan Ku qanacsanaa hogaaminta madaxweyne Siilaanyo , mar aanu ahayn mucaarid Kulmiye Iyo mar aanu ahayn Xisbiga talada Dalka hayaba Maanta Waxaan Ku kala aragti duwanaanay oo keliya Cidda Xisbigu u dooranaayo hoggaaminta dalka ee Mustaqbalka marka ay mudda Xileedkiisanu dhamaado madaxweynaha . Waana mabaadii dimoqraadi ah oo caadi ah . Ilaahay waxaan uga baryayaa in uu Xilka weyn ee qaranka u hayo Ku garab galo . Waanan uga mahad celinaynaa muddadii aan wada Shaqaynaynay .
Shacabka Reer Somaliland waa in ay u kala suntanaadaan arrimaha mabaadiida siyaasiga ee Lagu kala aragti duwan yahay Iyo arrimaha midnimada Qaranka SOMALILAND. Waxaan Ku boorinayaa Umadda Reer SOMALILAND in ay u Midoobaan qaranimada Somaliland. Waana taa taan U taaganahay Meel kasta oo aan joogo .
Si gaar ah halkan Waxaan uga xusayaa shacabka Reer Togdheer oo ah xudunta SOMALILAND ( Bari , Galbeed , Iyo waqooyiba ) in ay u midoobaan gaar ahaan horumarinta gobolkooda Iyo Guud ahaan midnimada Qaranka SOMALILAND
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland