Shirkadda SOMGAS Oo Qiimo Dhimis Balaadhan U Samaysay Bulshada Kana Hashay Kaydka Gaasta Ugu Wayn Bariga Afrika Oo Ay Dalka Ka Hirgalinayso

0
379

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Shirkadda Gaasta Wax lagu karsado dalka Keenta ayaa macaamiisheeda iyo guud ahaan Bulshada reer Somaliland qiimo dhimis balaaladhan ugu samaysay qalabka Cunto Karinta iyo gaasta wax lagu karsado.

Qiimo dhimista ay samaysay shirkadda SOMGAS,ayaa kala ah laba qaybood oo kala ah mid loo sameeyay macaamiishii hore ee haysatay qalabka cunto karinta iyo haamaha ee u baahnayd gaasta cuntada lagu karsado oo kaliya iyo bulshada imika u baahan ee iibsanaysa qalabka oo isku dhan.,waxaanay shirkadda SOMGAS bulshada u balan qaaday in qiimo dhimista ay u sameysay ay guud ahaan dalka oo dhan kaga iibsan karaan gaasta marka ay haystaan qalabka intiisa kale ee ay u baahan yihiin in haanta Gaasta oo kaliya loo buuxiyo.

DSC05294

Madaxa Suuqgaynta Shirkadda SOMGAS Barkhad Maxamed Hurre oo maanta ka hadlayay Carwada 7 aad ee Ganacsiga Somaliland oo Hotel Guled ee Hargeysa laga Furay,ayaa intaa ku daray in shirkadda SOMGAS ay dalka ku soo kordhisay adeegga Gaasta la shito oo ay marka koobaad kaga qayb qaadanayaan bad baadinta deegaanka oo ay ka hortegayaan shidista dhirta dhuxusha laga dhigayo iyo in ay dalka keenaan wax dhuxusha lagaga maarmo oo kaalintii dhir shidista meesha ka saarta.

DSC05299

Waxaanu intaa ku daray in Shirkadda SOMGAS ay dhawaan furayso kaydka Gaasta Cunta karinta ugu wayn ee Bariga Afrika isla markaana Somaliland ay xuddun u noqon doonto keenista Gaasta cunto karinta ee Geeska Afrika isla markaana ay dhamaystireen Haamaha Kaydka Gaasta oo ay ka hir galiyeen Berbera.

DSC05280

Madaxa Suuqgaynta SOMGAS oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. Maanta oo ay taariikhdu tahay 03,11,2015,ka waxaanu guud ahaan bulshada Somaliland u soo bandhigaynaa qiimo dhimistii ugu balaadhnayd ee ay Shirkadda SOMGAS u samayso guud ahaan bulshada Somaliland,qiimo dhimistaas oo laba qaybood kala ah,labadaa qaybood oo kala noqonaya mid ay ka faa,iidaysanayaan macaamiishayadii hore oo ah in aanu gaasta qiimo dhimis balaadhan ugu smaynay oo ah boqolkiiba labaadtan iyo Macaamiishayada cusub ee imika aanu xidhiidhka yeelanayno aanu u samaynay qiimo dhimis guud ahaan qalabka gaasta iyo shoolahadaha cunto karinta iyo galabku marka uu dhan yahay oo aanu ugu samaynay qiimo dhimis dhan boqolkiiba soddon. Waa qiimo dhimis balaadhan oo aanu bulshada u samaynay.”

som555

Barkhada Maxamed Hurre oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Marka ugu horraysa waxaanu u taaganahay badbaadinta deegaanka iyo ka hor tagga nabaad guurka iyo dhirta la shidayo ee dhuxusha laga dhigay,taasoo ah mid inagu wada waajib ah in aynu ka wada qayb qaadano ilaalinta deegaanka iyo badbaadinta dhirteena oo ay nolosheenu ku jirto.waxaan wada ognahaya haddii dhulkeenu uu saxare noqdo in aanay ka suuragalayn in aynu nolol wanaagsan ku hello,annagoo qodobkaa ka duulayna ayaanu dalka keenay gaasta wax lagu karsado iyo guud ahaan qalabkii cunto karinta oo ah mid casriya oo ah kuwa caalamka ugu tayada wanaasan uguna ammaansan iyadoo shooladaha aanu keenay aanay u baahnayn kabriid iyo olol kale oo laga shido isla markaana ay yihiin qalab ammaan ahaan aad u xafidan oo casri ah.”

saw888

Waxaa kale oo uu ka hadlay kaydka gaasta Cunto karinta ugu wayn bariga Afrika oo ay haamihii gaasta lagu shubayay ee kaydka ahaa in ay dhamaystireen oo ay ka hir galiyeen Berbera isla markaana ay dhawaan furi doonaan isla markaana ay Somaliland noqon doonto dalka kaliya ee Bariga Afrika oo dhan u dhoofiya Gaasta Cunto Karinta.

Ugu dambayn waxaa uu u mahad naqay Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha ay wada shaqaynta leeyihiin oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Deegaanka, Macdanta iyo Tamarta iyo Maaliyadda.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here