Rauch Shirkad Caalamiya Oo Ganacsiyo Tayo Leh Ka Hirgalisay Somaliland

0
363

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Somaliland ayaa indhaha shurkadaha caalamka soo jiidatay markii Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaanka dalka ku guulaysatay ee ay shirkadaha caalamka u balan qaaday in ay Somaliland maal gashi iyo ganacsiyo ka hir galin karaan.

Taasina waxay sabab u noqotay in ay Somaliland ay ku soo xidhmaan shirkado waawayn oo caalamka can ka ah isla markaana ka jira dalal badan oo dunida ka mid ah.

rauch p

Shirkadda Ganacsiga ee RAUCH waa shirkad ganacsi oo laga leeyahay dalka ustria oo ka mid ah dalalka qaarada Yurub ugu wax soo saarka wanaagsan isla markaana ay daris yihiin dalka Jarmalka isla markaana la aasaasay 1919,dii oo aad u facwayn isla markaana caalamka dalal badan oo ka mid ah ku leh xarumo ganacsi oo kala duwan,waxaanay markii ugu horraysay dhawaan Somaliland ka hir galisay Xarun ganasi oo ay keentay sharaabyada ay soo saarto oo ah kuwo tayo sare leh oo caalmka oo dhan laga isticmaalo.

rauch pp

Guddoomiyaha Shirkadda RAUCH ee Somaliland Siciid Cabdi Daahir ayaa balan qaaday in ganacsiga shirkadda uu Somaliland masuulka uga yahay in ay dalka ka hir galinayso ganasi balaadhan oo Somaliland iyo Yurub isku xidhaya isla markaana ay Somaliland noqon doonto Xuddunta ganacsi ee dhulalka ay Soomaalidu degto ay ku yeelanayaan.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay hir galin doonaan fursado shaqo abuur oo ay dadka ugu abuurayaan fursado shaqo oo ah in ay shirkadda RAUCH waxyaabaha kala duwan ee ay soo saarto in ay dalka Somaliland toos u keeni doonto.

Waxaa kale oo uu sheegay in noocyada Sharaabyada kala gedisan ee ay soo saaraan oo kala ah kuwo loogu talo galay dadka Macaanka qaba oo aan wax sonkor ah lagu darin isla maraana midho la miiray ah iyo kuwa sonkorta leba ay dalka keeneen oo mar kasta laga helayo waxaanu intaa raaciyay in bulshada Somaliland ay ugu bushaaraynayaan sharaab tayo fiican oo caafimaad ahaanna u wanaagsan in la cabbo oo Yurub ah isla markaana qiimo ahaan jaban in ay mar kasta dalka Somaliland bulshadiisu ay ka helayso.

Waxaanu arrimahaa kaga hadlay mar uu ku sugnaa Carwada 7 aad ee Ganaciga Somaliland oo Hargeysa ka furantay oo shirkadoodu ay ka qayb gashay markii ugu horraysay.

Waxyaabaha ay soo saartona waxaa ka mid ah sharaabyada noocyadooda kala duwan oo isugu jira sharaabyo Qudaartii oo la miiray ah oo aan wax Sonkor ah lagu darin iyo sharaabyo Sonkoraysan oo Sonkor lagu daray. Oo yar yar iyo waawaynba leh iyo sharaab Shaah qasacadaysn ah oo sidiisa loo cabayo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here