Macalimiintii Dugsiyada Gobolka Hawd Ee Baligubadle Oo Shaqo Joojin Sameeyay Iyo Maamulka Gobolka Oo Jeelka Ku Guray Macalimiintaas Shaqo Joojinta Samaysay.

0
400

 

Balli-Gubadle(Xogsoormedia.com)  Waxaa maanta si toosa shaqadii macalinimo ee ay ka hayeen gobolka Hawd ay joojiyeen  macalimiintii ardayda waxbaraysay.

Waxaanay wararku sheegayaan in sababta keentay inay macalimiintani shaqadoodi macalinimo ay joojiyaan ay tahay tabasho ay ka qabaan maamulkooda

Macalimiintan shaqajoojinta ku sameeyay oo qaarkood la soo xidhxidhay ayaa shabakad wararka ee Hadhwanaag u sheegay in ay shaqajojitoodu la xidhiidho cadaalad daro ay ka tirsanayaan maamulka dugsiga ay ka hawlgalaan iyo khilaaf baahsan oo soo kala dhexgalay kaas oo mudo soo jiitamayay oo aan waxba laga qaban.

Sidoo kale macalimiintani waxay maamulka waxbarashada heer gobol iyo heer degmo ku eedeeyeen inay dhagaha ka furaysteen cabasho badan oo, ay u soo jeediyeen macalimiintaasi.

 

Maamulka waxbarashada heer degmo iyo heer gobol ayey macalimiintu sheegeen inaanay diyaar u ahayn inay furdaamiyaan cabashadooda isla markaana waxay tilmaameen in masuuliyiintaasi ay magaalada yimaadeen khamiistii iyaga oo la balansan macalimiiniii balse dib ayey magaalada uga soo baxeen hase ahaate dib ayay uga soo laabteen isla maalintii ay gobolka yimaadeenba.

Macalimiintii shaqo joojinta sameeyey ayaa maamulka waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo u gudbiyey inaanay wax shaqo ah qabanayn ilaa cabashadoda la dhameeyo, sidoo kale macalimiintu waxay ku eedeeyeen mamulka waxbarashada awood daro iyo go,aanada ay soo saaraan oo aan shaqaynayn.

Talaabadan shaqo joojinta ah ee ay sameeyeen macalimiintu ayay maamulka gobolka Hawd kaga jawaabeen xadhig.

 

Dhinaca kale ardaydii wax ka baranaysay dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Balli-gubadle iyo guud ahaan deegaanada Gobolka Hawd ayaan saaka loo galin wax xiisado ah, iyaga oo ilaa haatan ku sugan xarumaha dugsiyada ay wax ka baranayeen.

Xogsoormedia.com

xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here