Dagaal Dhaawac Iyo Dhimasho Keenay Oo Dhexmaray Ciidamada Dawlada Iyo Kuwa Xarakada Alshabaab

0
407

 

Muqdisho(Xogsoormedia.com) xarakad Mujaahidunul Shabaab ayaa saaka hiirti waaabari waxaa ay weerar ku qaadeen Deegaanada Garasweyne iyo Moora- Gaabey oo hoostaga Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool,ayaa waxa ku dhintay dadgaadhaya 10 halka intaasi iyo in ka badaniba ay ku dhaawacmeen.

waxaana ay wararku sheegayaan in weerarkan ay xarakada Mujaahidinta Alshabaab ay soo qaadeen uu ku bilaamay weeraro ismiidaamina, iyaga oo la beegsanaayay fariisinada ciidamada dawladu deegaanadaasi ay ku leeyihiin.

Dagaalkan oo ahaa mid socday saacado badan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhanba ah.
gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur oo warbaahinta la hadlay aya sheegay in ciidamada dawladui iska difaaceen weerarkan ay xarakada Alshabaab ku soo qaadeen.
xaalad deegaanadii dagaalku ka socday ayaa ah qaar wali kacsan mana cada ilaa hada cida la wareegtay gacan ku haynta degmadan Xudur iyo deegaanada hoos yimaada.

Wixii warara ee ka soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe.

 

Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here