Musharaxa Madaxweynaha UCID Oo Hoggaaminta Siilaanyo Ku Tilmaamay Mid Ku Fashilantay Hagista Qaranka

0
409

Hargeysa-(Xogsoormedia.com):- Jamaal Cali Xuseen Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tallaabo la sheegay in Hanti dhawrku ku baadhayo Wasaaradda Ciyaaraha oo wasiirkeedii is casliya.

Waxaanu dhinaca kale u soo jeediyay Madaxweynuhu in uu qirto in uu ku fashilmay hoggaamintii dalka.

Jamaal Cali Xuseen oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay in ay dalkii oo dhan iibisay.

Waxaanu qoraalka uu soo saaray u dhignaa sidan.

”Wasaaradda dhalinyaradda iyo Isboortigga miisaaniyaddeedu waxay ahay $950,000 sanadkiiba oo keliya halka ay ilaalada madaxtooyaddu ahayd $2.5 million dollar. Ay tahay. Waxaan maqlayaa wasiirkii isboortigga ee xilka iska Casilay ayaa hanti dhowr la gelinayaa. Tollow shantii sanadood ee Siilaanyo waddanka u talinaayey waa markii Ugu horeysay Ee meel audit ama hanti dhowr la gelinaayo. Musuqmaasuq baahsan OO ilaa madaxtooyadda gelaya ayaa jira. Hantidii dalkoo dhan baa la iibiyey, waxba yaan Wasiir shaqaale ah Farta laydinku fiqiine waa in aynu Kala xisaabtamnaa Ninka la doortay Ee intuu madaxweynaha ahaa dalkii oo dhan xaraashay. Madaxa meel Ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto. Bal car maalin uun madaxtooyaddu ha qirato in ay maamulkii dalka xisbigga Kulmiye la kufay intay maalinba shicibka cadow uga dhigayaan cid kale.” ayuu musharax Jamaal Cali Xuseen, ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here