Wasiirkii Wasaarada Ciyaaraha Oo Goordhaweyd Ku Dhawaaqay Inuu Iscasilay.

0
397

War Deg Dega
Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiirkii Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Ahmed Abdi Kahin oo hadda la hadlay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in uu iska Casilay xilkii Wasiirnimo ee uu u hayay qaranka iyo wasaarada ciyaaraha.

Wasiirkan oo ka mid ahaa wasiiradi saaka Madaxweynaha ku wehelinaayay bookhashadii uu ku tagay xarunta guud ee xisbiga Kulmiye.

Ex Wasiir Axmed Waxa uu sheegay in uu xilka iska casilay laga bilaabo maanta 28- Bishan Octobor sidaasina waxa uu ku sheegay xogwareysi kooban oo hadda Saxaafada ku siiyay Gurigiisa.

Iscasilaada wasiirkan ayaa kusoo beegmaysa xili looga fadhiyo wasaarada ciyaaraha qabashada wareegi sadeexad ee ciyaaraha gobolada Somaliland
Isku soo wada duuduubo waxa daqiiqado ka hor iscasialay iyaguna laba masuul oo culculus oo xisbiga Kulmiye ah.

wixii wara ee danbee soo cusboonaadana waxa aanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe

Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here