Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdilqaadir Siidi Ayaa Sheegay In Maanta Duhurkii Ay Diyaaradi Ku Soo Dhacday Degmada Afgooye Ay Wadaana Baadhitaan Ku Aadan Sababtii Keentay Soo Dhicitaanka Diyaaradan Iyo Nooca Ay Tahay Iyo Waxa Ay Sidayba.

0
388

Hargeysa (Xogsoormedia.com)— Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo warbaahinta la hadlaayay ayaa xaqiijiyay in maanta 1:00 duhurnimo diyaaradii ku soo dhacday meel 9km u jirta Degmada Afgooye, imikana ay baadhayan diyaaradani nooca ay aheyd iyo waxa ay sidayba.
C/qaadir Siidii oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in diyaaradani ay tahay tii labaad ee ku soo dhacda agagaarka degmada Afgooye.talabaadna ay aheyd mid askarta AMISOM u siday alaab kuna dhacday deegaanka Carbiska
Gudoomiyaha Shabeelaha hoose cabdiqaadir Siidi oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Diyaaradii labaad ayaa ku soo dhacday agagaarka Afgooye, abaarihii 1-dii duhurnimadii ayay soo dhacday, waananu baadhayna diyaaradani nooca ay tahay iyo waxa ay siday,waxaanay ku dhacday meel 9KM dhanka galbeedka ka xigta Afgooye gaar ahaan tuulada Cusman Dure.
Waxaanu Cabdilqaadir Siidi uu sheegay in ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISON ay ku baxeen diyaarada halkan ku dhacday si,ay u ilaaliyaan inta baadhitaan lagu samaynaayo soo dhicisteedan iyo cida wax ku noqotay.
Cabdilqaadir Siidi isaga oo arinkaas ka hadlayna waxa uu yidhi“Ciidamada xooga dalka iyo AMISOM ayaa hada ku baxay halka diyaarada ku dhacday, waxaa jidka u dhaxeeya Toora-Toorow iyo Afgooye, waxaa nagu maqaala ah in kooxihii nabad diidka inay ku dhow yihiin aagaas”
Wixii wara ee danbee ka soo baxana waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here