Hargeysa (Xogsoormedia.com) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi, kuwaasoo uu tilmaamay in aan laga qeyb gelin taladii dalka.
Gudoomiyaha Maxakamada sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka Xanaf isaga oo ugu horeyn arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Soomaalida dhulkeeda, goboladeeda iyo dadkeeda waa la yaqaan, Soomaalinimada iyo midnimada waxay ku jireysaa markii gobol walba ama cid walba ay talada ka qeyb gasho, hadii cid talada laga reebo, ama gobol ama degmo laga reebo oo aan lagu darin talada, macnaheeda waxa weeye Soomaalinimadii iyo midnimadii dalka ayaa la wiiqay”
Dhanka kale Gudoomiye Ilka Xanaf waxa uu gudoomiyuhu ka hadlay inay u yimaadeen dadweyne sheegaya inay ka yimaadeen gobolada waqooyi oo leh anaga talada wadanka nalagama qayb galin waxaanu yidhi isago arintaas ka hadlaya “Waxay dadku ka cabanayaan oo ay isugu yimaadeen oo aniga cabasho igu timid waxa weeye goboladii waqooyi ee qeyb ka mid ahaa dalkan Soomaaliya ayaa taladii waxba ku jirin, dadkii degmooyinka ama tuulooyinka matalayay ayaa talada laga reebay, hadii marka hore waqooyi ka nimid oo talo soomaali u nimid, waa midnimadii Soomaaliyeed iyo is raacii wiiqaya inaan ka hortagno, taas weeye tan qof walba u yimid”
Ilka-Xanaf ayaa carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in Taladda Dalka laga qeeb galiyo dadka ka soo jeeda Somaliland ,taa hadii la waayana waxa uu ka digay Midnimadda Soomaaliya in la weyi karo.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland