Hargeysa(Xogsoormedia.com) Waxaa maanta si toosa iscasilaadooda ugu dhawaqay wasiiradii ugu tunka wayna xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo.
Iyada oo sababta ay isu casileena ay tahay in madaxweynaha Somaliland ka dib markii uu si toosa oo aan mad madaw ku jirin u taageeray gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay Madaxweynuhu haday caawa tiisa noqoto inuu jagada Madaxtinimo ee wadanka uu kaga tagay Muuse Biixi Cabdi.
Waxaanay arintani ku soo beegmaysa xili la wad sugaayay qabsoomida shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo dhawaan la qaban doono.
Waxaanay kala yihiin wasiiradan iyo wasiir ku xigeenadan iscasiley
Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis;
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan;
wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali;
Wasiir xigeen dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan’
Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid;
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Faarax Cilmi Geedoole
Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Wasiirku xigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir
Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mowliid Waris Cabdilaahi
Wasiir Xigeenka deegaanka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan;
Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul
Xubnahan ayaa sheegay in iscasilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Wixii wara ee danbee ka soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe.