Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Go’aanka Dacwadda Kenya Ee Xuduudka Badda Baarlamaankana Shaqo Faray

0
355

Muqdisho (Xogsoormedia.com):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa ka hadlay go,aanka Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka Xuduudka Badda oo ay labada dal iskula jiraan Maxkadda THE HAGUE iyo warbixin ay soo saareen gudiga la socodka Cunaqabataynta Hubka ee Saaran Soomaaliya ee Golaha Ammaanka.

Waxaa kale oo uu shaqo faray iyo in ay xilkooda ka soo baxaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay xubno ka tirsani ay ku mashquulsanaa la xisaabtanka Madaxweynaha iyo in ay xil mooshin maamuus ka xayuubin ah ku qaadaan,Mooshinkaasoo ay ku guul darraysteen.

xasan sheekh

Madaxweyne Xasan oo maanta si rasmi ah u furay kal-fadhigii todobaad ee baarlamaanka federaalka Somalia, ayaa khudbad uu jeediyay uga hadlay xaaladda dalka uu marayo.

Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka inay dadajiyaan meel-marinta sharciyada muhiimka u ah dalka, isagoo dalbaday in xildhibaannada fulinta howlaha hor-yaalla baarlamaanka.

“Inkastoo horumar la taaban karo la sameeyay, haddana waxaa weli muuqata inay howluhu yihiin kuwo qabyo ah oo ku xusnaa Higsiga sanadka 2016-ka sida: dib u eegista dastuurka, dhameystirka dhismaha maamul-goboleedyada iyo u diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka ah oo aan dhammaanteen wada-garowsannay in aanay ku dhamaystirmi karin xilligii loogu talo galay. Si horukaca Soomaaliya loo sugo waxaa muhiim ah in la helo is-bedel siyaasadeed oo sharci ah, daah-furan, kuna dhaca jawi nabad ah oo loo dhan yahay,’’ ayuu madaxweynuhu ku xusay khudbadii uu xildhibaannada u jeediyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay warbixin sannadeedkii dhawaan uu soo saaray guddiga la socodka xaaladaha Somalia iyo Eritrea ee QM, isagoo yiri. “Muddo ka badan 10-sano ayay hay’addan la socotay xayiraadda hubka ee Somalia soo saarayeen warbixinno tan oo kale ah. Dhaliilaha ku cad warbixinta hay’adan waa badan yihiin, balse waa markii ugu horreysay ee ay warbixinteeda ku dartay in qaar ka mid ah hay’adaheenna ay horumar dheeraad ah sameeyeen sida maamulka iyo maareeynta maaliyadda, xafidaadda iyo la socodka hubka.’’

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay muddada yar ee u harsan ku dadajiyaan meel-marinta sharciyada muhiimka u ah dalka; sida dhismaha golaha adeegga garsoorka oo uu sheegay in meel-marintiisu ay aad muhiim ugu tahay fulinta iyo meel-marinta sharciyada dalka u degsan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalku uu marayo marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto illaalinta ammaanka, wadajirka dadka iyo dalka, isla markaasna shacabka laga dhawro wax kasta oo carqalad gelin kara hannaanka siyaasadda iyo astaanka Somalia. Isagoo faray shacabka in laga fogaado dacaayadaha aan raadka lahayn sida wararka maalmahan la isla dhexmarayo ee sheegaya in calanka wax laga bedelayo iyo kuwo la mid ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladdu u taagan tahay ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirka ummadda, lana xoojinayo illaalinta iyo difaaca dhammaan xuduudaha dalka, cir, dhul iyo bad intaba.

“Sidaad la socotaan waxay dowladda Soomaaliya dacwad la xiriirta dhinaca xadka badda ka gudbisay dalka aan dariska nahay ee Kenya. Sharci-yaqaannada ku howlan dacwaddan waxay marar badan warbixinno la xiriira heerka ay marayaan howlaha ay noo hayaan la qaybsadeen qaar ka mid guddiyada baarlamaanka. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in dowladda Somalia ay geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonto ilaalinta xuduudaha dalka. Waxaana kalsooni ku qabnaa inaanu xaqa Soomaaliya aanu noqonayn mid luma,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa xaflada furitaanka kal-fadhiga 7-aad ee baarlamaanka FS kusoo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo baarlamaanka ka tirsan.

Ugu dambeyn, kal-fadhigan toddobaad ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu ka shaqeeyo barnaamijyada muhiimka u ah Hiigsiga 2016-ka, oo la filayo in dalka ay doorashooyin ka dhacaan, lana adkeeyo nidaamka dowladnimada dalka lagu soo celinayo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here