Wasiirka Abniga Iyo Hubka Dhigista Maamulka Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qardhab) Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Keentay In Kooxda Alshabaab Ee Joogtaa Buuraha Galgala Ay Ku Biiraan Ururka  Daacish.

0
334

 

Punland(Xogsoormedia.com)Maamulka iyo madaxda kala gadisan ee maamulka Puntland ayaa ka hadlay koox ka tiran ururka Alshabaab oo ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari inay ku biirayaan Kooxada Daacish

Wasiirka abniga iyo hubka dhigista maamulka Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qardhab) oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inaanay wax saamayn ah aanay ku yeelanayn kooxdan sheegtay inay ku biireen Daacish, waxaanu sicad u tilmaamay inay dagaal la galayaan ,koox kasta oo kasoo horjeeda danaha iyo deganaashaha Maamulka  Puntiland.

waxaanu xusay in kooxo Alqaacida iyo Alshabaab ka tirassni ay ku dhumaalaysanayaan Buuraha Galgala ee gobolka Bari. Iyo deegaano hoosyimaada Puntland.

Waxaanu wasiirku sabab uga dhigay in sababtan ay Alshabaab Daacish ugu biiraysaa ay tahay inay dhaqaale ka hesho.

.
Sheekh Cabbdiqadir Muumin oo kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Galgala ee deegaanad Puntiland ayaa dhawaan shaaciyay in isaga iyo dagaalyahano kale oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab ay ku biireen Kooxda Daacish .

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here