Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha shirkadaha la wareegay kyadka Haamaha Shidaalka ee Berbera Xasan Maxamed Cige,ayaa ka hadlay hakad kooban oo la galiyay Haamaha Kaydka Shidaaalka ee Berbera oo uu sheegay in ay sababtay shaqo ka socotay Haamaha mid ka mid ah oo dalooshantay oo laga shaqaynayay iyo Markab shidaal siday oo laga shubayay.
Xasan oo warbaahinta la hadlay waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay hakisay in booyadihii shidaalka ka qaadayay ay Haamaha Shidaal ka qaadaan ka dib Canshuurtii Dawladda oo aan laga qaadin.
“Horta ma jirto wax xayiraad ah oo ka yimi dhanka Wasaaradda Maaliyadda oo ay saartay booyadaha shidaalka Haamaha ka qaada waxaanad mooddaa in mar walba la jecelyahay in wax aan jirin la sheego oo la gees maro sida ay xaqiiqadu tahay.”
Guddoomiye Xasan oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.”Mar kasta oo markab shidaal sidaa uu yimaado oo laga shubayo waa sharci Haamaha aan wax shidaal ah laga shubin oo hakad la galiyo in ay booyaduhu shidaal qaadaan sababo ammaan darteed,waxaana laga taxaderayaa in wakhtiga Markabka shidaalka laga shubayo waxaa laga hor tagaa in aan Haamaha dhanna shidaal lagaga shubin dhanna booyadaha laga sii dhaamin,waanad wada aragteen Marka booyaduhu kaalmaha shidaalka ee magaalooyinka shidaalka ku shubayaan intay ku jirto waa la xanibaa bamamka shidaalka gawaadhida ku shuba oo waxba lagama shubo,markaa intii markabku taagnaa ee shidaalka laga shubayay ayay Haamuhu ka xayirnaayeen Booyadaha iyo Haantii Dalooshantay oo laga shaqaynayay,laakiin Wasaaradda Maaliyaddu Canshuur ayay qaaddaa waxaana loo dhigaa oo ay akoon ku leeyihiin Baanka Berbera wax muran ah iyo lacag acnshuureed oo dawladda ka maqan iyo Wasaaradda Maaliyadda Wax dhibaato ah oo naga dhex dhacay midna ma jirto imiksna shaqadii way socotaa.”ayuu yidhi Guddoomiyahada Midawga Shikarkadaha Shidaalka ee la wareegay Maamulidda Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland