(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar dhawayd furya Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaana furitaankii kalfadhigani 7aad Madaxweynaha meesha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaanu Guddoomiyuhu ka warbixiyay wixii u qabsoomay lixdii kalfadhi ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha horyaala.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kulanka furitaanka kalfadhiga 7aad ay ka soo xaadireen 141 Xildhibaan, waxaana uu tilmaamay in aan la aqbali doonin Xildhibaanada ka maqan fadhiyada, isagoo xusay in howl adag ay hor-taalo Baarlamaanka, gaar ahaan shuruuc dalka muhiim u ah oo Golaha Wasiirada ay soo gudbiyeen.
Waxaana furitaanka kalfadhigan goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxakamada sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib, Xildhibaanada Baarlamaanka.
Madaxweynaha oo ugu horeyn isagu halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo tilmaamay in laga heshiiyo siyaasada, si dowladnimada Soomaaliya aasaas u yeelato, waxaa uu ka hadlay sharciga dalka oo uu xusay inay tahay in lagu dhaqo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatadii la soo maray haatan si tartiib tartiib looga gudbayo, waxaana uu cadeeyay inay muhiim tahay in lagu farxo maanta wixii u qabsoomay dowladda.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay wada tashiyada dalka ka bilaaban doono, oo uu tilmaamay in go’aan wada jir ah looga gaari doono sanadka 2016 wixii la qaadan doono, waxaana uu tibaaxay in deegaan walba oo gobolada dalka ay ka dhici doonaan wada tashiyada qaran.
Waxaa uu sheegay go’aanada lagu gaaro wada tashiyada uu soo mari doono Baarlamaanka, isla markaana uu meel marin doono, kadibna xafiiska Madaxweynaha uu shuruuc ka soo saari doono.Kulankan ayaa ah mid furitaan kaliya oo aan wax ajande ah looga hadli doono, iyadoo khudbada Madaxweynaha uu ka jeediyo kalfadhiga 7aad ay tahay khudbadii dastuuriga aheyd ee furitaanka.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho Jowhar News.com