Wajaale(Xogsoormedia.com) Madaxda iyo maamulka degmada Togwajaale ayaa qabtay 147 tahriibayaala, kana yimid dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay mudana ku sugnaa Degmada Togwajaale,
intaas ka dibna waxa loo gudbiyay dhinaca wadanka Itoobiya iyada oo lagu wareejiyay madaxdii ka socotay wadanka Itoobiya meeshana u timid sidii ay u kaxayn lahaayeen dadkan uguna celin lahaayeen deegaanadii ay ka kala yimaadeen.