Samaale Oo Saaka Qaatay Kaadhkii Xubinnimada  Golaha Dhexe Kana Hadlay Warar Hore Looga Qoray

0
337

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Cabdicasiis Maxamad Samaale oo ka mida musharixiinta golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa maanta tagay xarunta xisbiga Kulmiye oo qaatay Kaadhka.

Cabdicasiis Maxamad Samaale waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida habsamida leh ee ay u socoto qaadashada kaadhku waxaanu yidhi isago arintaas ka hadlaya “waxa  farxad weyn ii ah inaan maanta xarunta xisbiga imid, anigoo u imid inaan kaadhka qaato. Waxaan u mahadnaqayaa guddoomiyaha, xoghayaha iyo hogaanka xisbiga oo warbixin wanaagsan iga siiyay siday hawshu u socoto. Waxaan ku faraxsanahay inay hawshii dib u bilaamatay iyadoo la wada wado oo la midaysan yahay, horena waan u sheegay kalsoonida aan ku qabo xisbigayga Kulmiye,”

GOLAHA

Dhanka kale waxa uu Cabdicasiis Maxamad Samaale waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay warbaahintu ka qortay maalmihi u danbeeyay waxaanu yidhi  “Waan arkaa warar saxaafaddu baahisay oo meel ay ka keeneen aan la garanayn, xalay ayaa website-yada qaarkood la galiyay Cabdicasiis Samaale golihii dhexe ayaa laga saaray, Kaadhkii ayaa loo diiday, ma garanayo runtii warkaasi meel uu ka yimid, waxaan isleeyahay waxaa haboon in saxaafaddu qorto waxay hubiyaan,”

Mudane Cabdicasiis Samaale isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray “ Anigu xisbiga musharax  madaxweyne baan ka ahay inshaa Allah, rag aanu saaxiibo nahay ayuu tartan naga dhexeeyaa, waxaa ka mid ah walaalkay Kijaandhe, walaalkay Muuse Biixi, walaalkay Maxamed Biixi Yoonis iyo inta ku soo korodhaba tartan xalaal ah oo walaalnimo ayuun baa naga dhexeeya. Hawsha xisbigana hogaanka ayaa leh oo aanu uga dambeynaa, dadka isku imanayaana waa golihii dhexe oo liiskooda la hayo aniguna aan ka mid ahay guddida fulinta iyo golaha dhexeba.”

Mudane cabdicasiis Maxamad Samaale waxa kale oo uu intaas ku daray inuu rajaynaayo in doorashada ay galayaan tartamayaashu ay noqonayso mid xor iyo xaala waxaanu yidhi “Damaca aanu leenahay iyo tartanka naga dhexeeyaa waxaan rajaynayaa inaanu na kala kaxayn doonin ama aanu cadow iskaga kaayo dhigi doonin,”

 

Gunti iyo gababadii waxa uu Cabdicasis Maxamad Samaale ugu sheegay  Taageerayaashiisa in uu calafkiisa ka qaadi doono tartankan “ Waxaan u sheegayaa golaha dhexe ee aniga I dhisaya, waxaan u sheegayaa guud ahaan xisbiga Kulmiye, waxaan u sheegayaa taageerayaashayda gudaha iyo dibadaba inaan ahay musharax madaxweyne oo aan calafkayga ka qaadayo tartanka,”

Xogsoormedia.com

xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here