Laba Askari Ayaa Dhintay Saddex Kalana Waa Ay Dhaawacmeen Oo Ka Mida Askarta Jabuuti Ee Degan Xerada Lama Galaay Ee Magaalada Baladweyne.

0
293

 

Baladweyne (Xogsoormedia.com)-wararka naga so gaadhaya Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in 2 askari ay dhinteen 3 kalana ay dhaawacmeen,oo ka mida askarta Jabuuti ee magaalada Baledweyne  ka dib markii uu rasaas ku furay mid  ka mida ciidankooda.

Waxaana sidaas warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISON ee fadhigoodu yahay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dhacdadan oo dhacday shalay galinkii danbe ayaa waxa ay kartan is dishay ay ka wada tirsanaayeen ahaa,kana tirsana xerada Lama Galaay.

Askartan oo ahayd askartii laga keenay dalka Jabuuti loona keenay Dalka Soomaaliya sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sugida amaanka.

Askarigan ciidanka laayay ayaa la sheegay inuu ahaa nin maskaxda wax ka qaba.

Falkan askarta lagu laayay ayaa ah kii ugu horeeyay ee noocisa ah ee ka dhex dhaca Ciidamada AMISON gaar ahaana kuwa Jabuuti eek u sugan Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here