“Waxyaalaha La’yaabka leh ee xilligaa waxaa ka mid ahaa in Hargeysa Diyaarad Laga soo kaxaysto oo Burco loo yimaado si heshiis daabacaad ah la iila galo.”
“Waraaqaha dadka lagu raadinayo ee Dahabshiil iyo juwanada Canshuurqaadistaba aniga ayaa daabici jiray.” Xasan Maxamed Jaamac(Xasan Xiis) waraysi gaar ah
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guud ahaab akhristayaasha iyo bulshada kala gedisan eek u xidhan Xogsoormedia.com eek u sugan daafaha caalamka waxaanu ugu bushaaraynaynaa in aanu halkan ugu soo gudbinaynaa taariikh ku suntan meertada Somaliland soo martay oo ku xardhan tagtadii la soo dhaafay.
Waa waraysi ka mid ah waraysida sooyaalka taariikheed ee ka hadlaya dhacdo soo martay Somaliland oo ka turjumaya horumarka maanta laga gaadhay dhanka tiknoolajiyadda iyo bilawgii Somaliland halkay ka joogtay.
Xasan Maxamed Jaamac(Xasan Xiis) Madaxa Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha iyo Warbaahinta ee Dahabshiil Group. Ayaa ah qofkii ugu horreeyay ee Somaliland 1991dii keenay Kombiyuutarkii ugu horreeyay ee Somaliland soo gaadha.
Hadaba Xasan Xiis oo aanu waraysi kala yeelanay sidii uu Kombiyuutarkaa ku keenay Burco iyo Hawlihii ugu horreeyay ee uu ku bilaabay,
Halkan ka dhegayso…xasan01
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland