“Waxyaalaha La’yaabka leh ee xilligaa waxaa ka mid ahaa in Hargeysa Diyaarad Laga soo kaxaysto oo Burco loo yimaado si heshiis daabacaad ah la iila galo.”
“Waraaqaha dadka lagu raadinayo ee Dahabshiil iyo juwanada Canshuurqaadistaba aniga ayaa daabici jiray.” Xasan Maxamed Jaamac(Xasan Xiis) waraysi gaar ah.
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guud ahaab akhristayaasha iyo bulshada kala gedisan eek u xidhan Xogsoormedia.com eek u sugan daafaha caalamka waxaanu ugu bushaaraynaynaa in aanu halkan ugu soo gudbinaynaa taariikh ku suntan meertada Somaliland soo martay oo ku xardhan tagtadii la soo dhaafay.
Waa waraysi ka mid ah waraysida sooyaalka taariikheed ee ka hadlaya dhacdo soo martay Somaliland oo ka turjumaya horumarka maanta laga gaadhay dhanka tiknoolajiyadda iyo bilawgii Somaliland halkay ka joogtay.
Xasan Maxamed Jaamac(Xasan Xiis) Madaxa Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha iyo Warbaahinta ee Dahabshiil Group. Ayaa ah qofkii ugu horreeyay ee Somaliland 1991dii keenay Kombiyuutarkii ugu horreeyay ee Somaliland soo gaadha.
Hadaba Xasan Xiis oo aanu waraysi kala yeelanay sidii uu Kombiyuutarkaa ku keenay Burco iyo Hawlihii ugu horreeyay ee uu ku bilaabay.
“Somaliland-ta aynu maanta joogno ee tiknoolajiga caalamka la jaanqaaday ee Internetka leh ee qofku Facebook-ga adeegsanayo ee uu tiknoolajiyadda caalamka la jaanqaadayo iyo Somaliland-tii 1991-kii waa laba aad u kala fog oo qofka maanta jooga aan loo sharixi karayn maalintaa iyo wixii la haystay. Waxaanay isku jiraan inta cirka iyo dhulku isku jiraan.”
Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxaad ka bixiyay sidii uu Xamar kaga soo amba baxay iyo qalabkii ay Muqdisho kala yimaadeen isaga iyo nin kale oo ay shuraako ahaayeen,ayaa yidhi.
“waxaan ka imi Xamar oo markaa aanu ka soo qaxnay laakiin horta intaanaan Xamar ka soo qixin waxaan ku shaqaynaynay Kombiyuutarro markaa Xamar kolkaanu ka soo qaxaynay waxaany wada soconay nin kale oo la yidhaahdo Axmed oo aanu soo wada raranay gaadhi qalab badan noo siday, qalabkaa waxaa ka mid ahaa kombiyuutarro,waxaa kale oo aan sitay Kombiyuutar iyo Biritin aniga ii gaar ah oo midab wax ku daabacaya. Markaanu Xamar joognay waxaanu ku noolayn magaalo Tiknoolajiyada Xilligaa ka jirtay Caalamka la socotay oo qalabka Kombiyuutarku ka shaqeeyo manaan filayn markaan Kombiyuutarka gaarka soo iibsanayay in uu noqon doono Kombiyuutarkii ugu horreeyay ee soo gaadha.”
Hadaba Halkan ka dhegayso waraysigaas oo aad u xiiso badan.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland