Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Shirkadaha Shidaalka soo dejiya ee la wareegay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Xasan Maxamed Cige,ayaa ka warramay mid ka mid ah Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo shidaal daadisay isla markaana dalooshantay oo uu sheegay in ay ka mid tahay dhibaatooyinka ka jiray Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera oo uu ku tilmaamay in ay ka mid tahay sababaha ay ula wareegeen masuuliyadooda.
“Horta Haamuhu way gaboobeen dayactir rasmi ahna may helin illaa markii la dhisay oo haantan imika dalooshantay waxaa sameeyay ingiriiskii xilli aanan aniguba jinrin,ayaa la sameeyay illaa wakhtigii la sameeyay iyo illaa xiliganna cidi may dayac tirin waxna kamay qaban haantaa dalooshantay siday tahay ayaanay wada yihiin badankooduna waxay u baahan yiiin in si dhab ah loo wada hagaajiyo.”
Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa shaqaalaha Haamaha oo masuuliyad wayn iyo xilba iska saaray si aan qasaare badani u dhicin oo shidaalkii ka wareejiyay iyo booyadihii suuqa ka soo gurmaday ee qaarna biyaha keeneen qaarna shidaalka wareejintiisa ka qayb qaateen.”
Waxaanu Xasan intaa raaciyay “ taasi waxay muujinaysaa haddaan haamaha la dayac tiring in aynu nahay dad foosto daloosha wax ku shubanaya oo anagoo shalay uun la wareegnay ayay durba sidaa u dalooshantay Haantaasi laakiin waxaanu diyaar u nahay in aanu wax kasta oo ay u baahan yihiin Haamuhu galino oo dalku yeesho haamo kayd shidaal ah oo la isku aamini karo waxna lagu shubi karo oo dhab ahaan u faya qaba.”ayuu yidhi Guddomiyaha shirkahada midoobay ee la wareegay Masuuliyadda Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland