Wasiirka Caafimaadka Oo Ku Dhawaaqay Tartankiisa Musharaxnimo iyo Masuuliyiinta Qaran Ee Ku Taageeray

0
321

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan  Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada Madaxweyne kux-igeenka Somaliland ee xisbiga KULMIYE

Munaasibadda ku dhawaaqista Musharaxnimo ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador, waxana ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiiradda, golaha Wakiiladda, Salaadiin Dhaqan masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan, waxaanu Wasiirku sheegay inuu yahay musharax u taagan Jagadaasi, Waxa uu codsaday in loogu hiiliyo jagadaasi, isagoo guushiisa ku sidkay midnimada Somaliland.

xaqlo 11

Saleebaan Ciise Axmed Oo ku dhawaaqidiisa Musharaxnimada Jagada Madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaanno,Wasiiro Slaadiin iyo Marti Sharaf kale,ayaa lagu taageeray hankiisa Musharxnimo isla markaana loo balan qaaday in la garab taagan yahay.

”Waxa aan u mahad celinayaa Xildhibaanadda, Salaadiinta iyo waxagardka halkan isugu yimi in ay itaageeraan, waxaan ahay Murashaxa Madaxwayne ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE ayaan ahay waxa aan halkan ka sheegayaa Somaliland waa wadan Dimuqraadiya Xisbiga KULMIYE-na waa Xisbi uu soo dhisay aad uga soo shaqeeyay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo siyaasiyiin iyo aqoonyahano iyo Siyaasiyiin badan oo culus halkana ina la jooga, nidaam leh, sharci iyo kaladanbayn leh, Xisbigaasaan anigu ka sharaxanahay, cid aan ku daba qoranahayna ma jirto    sida aad ogtihiina labadda jago ee Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenku way kala madaxbanaan yihiin oo midba mmar ayaa la doorta, anigoo jagadaas u sharaxan waxa aan aad uga soo shaqeeyay nabadda oo aniga iyo Madaxwaynaha iyo Xukuumaddu aanu aad uga soo shaqaynay nabadi way dhacaday, dadkeeniina maanta waa nabad waxa aan markaasi u taagnahay in aan ka shaqeeyo midnimadda Somaliland horumarka, marka lahelo midnimo, nabad, horumar,aqoonsiguna wuu imanayaa markaa aniga Barmaamijkaygu waxa uu ku salaysanyahay intaas aan soo sheegay oo lahelo, waayo waxa aan aaminsanahay in Midanimo hadii lahelo aqoonsi la helaayo” ayuu yidhi Wasiir Dr Saleebaan Ciise Xaglotoosiye

Saleebaan Ciise Axmed Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay Goboladda Bariga Somaliland oo ay dad sheegaan buu yidhi in ay maqan yihiin, isaga oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “Dadkaa barigu In badan baa lalahaa way maqan yihiin, way yimaadeen oo way joogaan maanta waa kuwaas sharaxan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxa aan ka codsanayaa inaad maanta Codkiina isiisaan adinkoo arimo aad ufarabadan xeerinaaya oo eegaaya nimanka meelahaas ku warwareegaaya eel eh harti diyaar uma aha in uu codeeyo waxa aan leeyahay waa beenaalayaal u jeedooyin kale leh, harti waa diyaar in uu codeeyo, inuu isdiwaan galiyo iyo in uu codeeyaba waxaan filayaa meesha ugu fog waa Buuhoodle, waxa aan idiin balan qaadayaa in reer Buuhoodle Codeeyaan, isaka daa meelaha kale ee nidaamku aadka uga jiro waxaan idinka balan qaadayaa inaanu keeno cod aad u badan Doorashadan kaliya maaha codkaasi inay wax tarkataya murashaxnimadayda laakiin waxay waxtar u tahay Somaliland, Somaliland way u baahanatahay in dadkaasi Codeeyaan Nidaamkana ka mid noqdaan markaa maanta (Shalay) una sharaxanahay Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga KULMIYE oo aan si guud uga Codsanayaa in ay codka igu taageeraan, si gaara waxaan uga Codsanaya Golaha dhexe ee xisbiga KULMIE,Waliba Madaxwaynaha Cidaad doontoba dooro oo sii laakiin aniga Madaxwayne ku xigeenka iigu hiiliya, waliba taasi aniga oo kaliya dani uuguma jirto ee waxa ay ugu jirtaa Somaliland oo dhan” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland saleebaan Ciise axmed (Xagla-toosiye).

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here