Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Xukuumadda Ka Xayirtay Xarun Ay Iibisay

0
345

Hargeysa(Xogsoormedia.com)- Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa shalay soo saartay Amar ay ku Xayirtay xarunta waxbarashada dadban ee haweenka ee Womens’ club-ka Hargeysa oo ay xukuumaddu Iibisay, waxaanay Maxkamaddu Amartay in aanu Iibkaasi sharci ahayn.

Garsooraha soo saaray Amarka Xayiraada ah ayaa sheegay in xarunta Womens’ Clubku ku jireen ay tahay xaruntii ugu horraysay ee ay Maxkamadda gobolka Hargeysi yeelato, iyadoo uu Garsoorihii ama Qaadigii ugu horeeyey fadhiistay 1905-tii.

maxkamadda gobolka h

Maxkamadda ayaa ku dooday inaan dhulkaas laga qaban Karin wax shaqo ah, illaa iyo Amar danbe, Xaruntan ayay maalmihii ugu dambeeyay kormeer ku samaynayeen garsoorashaasha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo si dhaw ula socday dhaq dhaqaaqyo maalmihii ugu dambeeyay halkaa ka taagnaa.

Illaa hada ma cada shakhsiga laga Iibiyey xaruntaasi, hase yeeshee Xarunta la Iibiyey waxa ku shaqaysan jiray hay’addo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga 17-ka May ee Xildhibaan Xasan Cawaale, Dugsiga Cunta karinta ee Haweeya, Meherado yar yar oo ay hay’adda IPRT ku Maal-galiso Dumarka, hase yeeshee waxa la sheegayaa in dadkaasi la kala basriyey oo qaarkood na wax loogu bedelay, kuwa kale na banaanka la dhigay.

 Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland,ayaan wali ka hadal Amarka ka soo baxay Maxkamadda Gogolka Hargeysa iyo xayiraadda ay ku soo rogtay goobtan waxbarasho ee ay Xukuumaddu iibisay.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here