Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xoghayaha golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane(DHEERE),ayaa culays siyaasadeed ku soo kordhiyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciilka dib markii uu isu soo sharaxay jagamada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE
Cabdilaahi Ibraahin Habane oo muddo badan ahaa Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland isla markaana la soo shaqeeyay Xukuumaddii kala dambeeyay ee Marxxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale,oo aan hore marnaba loogu arag fagaarayaasha KULMIYE isla markaana Xisbi Xaakimka Talada hayaa markii uu doorashada kaga guulaystay Xukuumaddii Rayaale UDUB iyo waxay KULMIYE inbadan isku dayeen in ay booska ka qaadaan laakiin waxaa loo mari waayay Guddoomiyre Saleebaan.
Cabdilaahi Dheere oo warbaahinta kula hadlay xafiiska uu ku leeyahay xarunta guud ee golaha guurtida Somaliland ayaa waxaa uu si kooban uga hadley hankiisa siyasadeed ee mustabalka dhow waxaana uu sheegay in uu wakhtigii hore uu si dadban ugu jirey siyaasada somaliland balse uu imika wakhtigan uu si toos uga dhexmuuqaan doono siyaasada somaliland gaar ahaan hogaaminta sare ee dalka waxaana uu yidhi,,aniga oo ah xoghayaha guud ee golaha guurtida madaama ay golaha guurtidu yihiin golaha sharcidejinta waxaan markii horre si dadban ugu jirey siyaasada somaliland balse imika uu si toos ah uga dhexmuuqaan doona siyaasada dalka gaar ahaan hogaamiinta sare aniga oo eegaya waxyaabaha aan soo qabtey iyo waxaan qaban karro iyadoo muhiimtahay in qofku isqiimeeyo hadii una isagu isqiimeyn ma qiimeyn karo bulshada qaybaheed kala duwan iyadoo arrintaasi muhiim tahay .
waxaa uu sidoo kale xoghayaha golaha guurtida somaliland cabdilaahi ibraahim habane uu si kooban uu sharxaay siyaasada iyo waxybaaha ay siyaasadu ka koobantahay isaga oo yidhi sida tan,,siyaasadu waa fahanka bulshada qaybaheeda kala duwan iyo qababka loo mareeyn lahaa bulshada khubaradu waxaa ay siyaasada ku mareeyaan farsamada,kala doorashada,isgarab dhiiga,ujeedada laga leeyahayna waa xeelad lagu meelmariin karro raabitanka dadka iyo danhooda ,siyaasadna waxaa lagu dhisa siyaasada ,dhaqaalaha,bulshada,iw.m waxaana lagu difaaca waxkasta oo liidi ku ah danaha qaranka .
gebgebdiina xoghayaha guud ee golaha guurtida somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane waxaa uu si cad sheegay hankiisa siyasadeed uu leeyahaay isaga oo uu sheegay marka u arkay in uu awoodo, talooyina uka helay qaar ka mid ah asxaabtiisa waxaa uu sheegay in uu taganyahay musharaxa jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa waxaana uu yidhi sidan,,waxaa ay ila muuqatay Aniga oo ku xisaabtamaaya waayo aragnimaada aan uu leeyahay wadanka iyo rabitaankayga iyo horumarka aan ka geysan karo ama Aan ku tari karo qaybta igu beegan sidaas darteedna waxaan uu taganahay musharaxa jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE Aniga oo ku xisaabtamaaya Arrimaha Aa horre uu soo sheegay munaasibad tan ka weyne ku soo bandhigi doono ayuu hadaladiisa ku soo gabgabeeya Xoghayaha Golaha Guurtida somaliland Cabdilaahi Ibrahim Habane
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland