Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha shirkadaha Maal galinaysa Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Xasan Maxamed Cige,ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay asxaabta Mucaaridka oo ku eedeeyay in ay shaqaale eryeen iyo in ay laydhkii ka jareen guriga Maareeyihii hore ee Haamaha ay kala wareegeen.
Guddoomiye Xasan,ayaa Mucaaridka ku dhaliilay in aanay aqoon iyo khibrad ku haydlayn balse ay meel kasta ka raadinayaan dhaliil aan jirin waxaanu intaa ku daray in mucaaridku wax kastaba iyaoo aan hubsan ay ka hadlaan.
Waxaanu Xasan oo arrimahaa ka hadlayaa uu yidhi..”Marka hore horta waxaa habboon in ay gartaan Mucaaridku waxa ay ka hadlayaan iyo in waxay sheegayaan ay run tahay laakiin haddii uu hadalku noqdo oo kaliya in uu qofku yidhaahdo waan hadlay oo kaliya, mucaaridnimada iyo been sheeguna inay kala laba tahay ayay ila tahay.Layldha ay nagu eedaynayaan ee aanu ka soo jarnay guriga Maareeyihii hore wuxuu ahaa mid sharci darro ah ooloo tallaabiyay guri ka baxsan xayndaabka Haama Shidaalka ee Berbera . oo ka mid ah guryaha Magaalada Berbera isaga ayaana markii uu guriga dhistay laydhka Haamaha Jiitay oo ku xidhay,Laydhka Haamuhuna meel xayndaabka ka baxsan,nabad gelyada Haamuhana waxaa ka mid ah in laydhkeedu uu seefgaraysnaado oo uu ammaan ahaado isla markaana la ogaan karo haddii uu shoodh dhaco halka uu ka yimi,laakiin laydh dibada u baxay cidina ma ilaalin karto sababta aanu laydhka uga goynayna waxay tahay in aan dibada laydhka Haamaha wax kaga iman Maareeyuhu gudaha Haamaha ayuu guri ku leeyahay oo uu deggen yahay markii uu xilka wareejiyayna waxaa waajibku yahay in uu ka guuro gurigiisa ayaanu u guuray dadka kale ee magaalada ayaanu ka mid yahay ee laydhka magaalada ha shito,taasina maaha wax dhibaato loo arko oo mucaaridnimo laga dhex raadiyo.”
Guddoomiye Xasan oo ka hadlayay shaqaale ka cabanayay in ay maamulka shirkaduhu markii ay la wareegeen ay eryeen,ayaa yidhi. “Horta ma jiro shaqaale Haamaha ka shaqeeya oo aanu erinay ama cabanaya oo shaqaalaha waanu la wareegnay waanay shaqaynayaan shaqada ayaana u baahan oo waa shaqaalihii markii horeba ka shaqaynaya,laakiin waxaa jira dad u maareeyihii hore bishan oktobar tobankeedii iyo wixii ka dambeeyay uu yidhi waan idin shaqaalaynayaa oo uu ku yidhi bisha Nofambar ayaad shaqaale noqonaysaan taasina waxay kamdi ahayd carqaladayntii uu maalmihii ugu dambeeyay ku kacayay markii uu ogaaday in meesha laga wareejinayo laakiin shaqaalaha Haamaha waanu wada kulanay waanu is aragnay shaqadoodiina way wataan wax naga xuminama jiraan.”ayuu yidhi Guddoomiye Xasan
Shirkadaga Wadaniga ah ee Haamaha kaydka shidaalka Berbera maalgashanaya ayaa kala ah.Red sea petroleum,Has petroleum,Som oil,Sampet,Waraabe compny,Al-waarid
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland