Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan,ayaa warbixin ka siisay Guddi hoosaadka Maaliyadda ee golaha Wakiiladda Somaliland Miisaaniyad sanadeedka 2016,ka. Ee dalka
Wasiir Samsam oo shalay kulan kula yeelatay Gudiga oo xafiiskeeda Wasaardda Maaliyadda booqasho shaqo ugu tegayay,ayaa markii kulankoodu dhamaaday waxaa wada jir uga war bixiyay Wasiirka iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Maaliyadda ee Golaha Wakiiladda.
“Saaka waxaa halkan xafiiska wasaarada maaliyadda aanu shir ku yeelanay gudida G/wakiilada u qaabilsan maaliyada waxaanu ka wada hadalay diyaarinta Miisaaniyada Qaranka ee 2016ka horena waanu uga wada shaqaynaynay oo gudidu waxay hore u soo wada mareen dalka oo dhan gobol iyo dagmoba sida ay miisaaniyaddu u gaadho intii aanay safarkaa u bixinna waxaanu gudida G/wakiilada u qaabilsan maaliyadda ku balannay in aanu la kulano inta aannaan miisaniyadda u gudbin oo aanu isla eegno tiibaanay maanta noo qabsoontay oo shirkayagani ku saabanaa waxbaanan gudida isla eegnay, waxaa kale oo aanu gudida warbixin ka siinay sida aanu u qorshaynay iyo meelaha aanu ku salayanay oddroska miisaaniyada qaranka ee 2016ka gudida maaliyadda ee gulaha wakiiladuna waxaa ay nagu kordhiyeen talooyin aanu isla qaadanay shirkuna si fican ayuu noogu dhamaaday.”ayay tidhi Wasiir Samsam
Waxaa isna kulankaa ka hadlay Guddoomiyaha gudi hoosaadka Maaliyadda Waliiladda Xil dhibaan Cumar Sanwayne waxaanu yidhi.”Sida uu qorayo Dastuurka Somaliand Golaha wakiiladu waxaa uu lee yahay toban gudidi gudi waliba waxay wada shaqeeyaan wasaarado iyo hay addo uu qarankani lee yahay annagu maadaama aanu nahay gudida maaliyad u qaabilsan wakiilada Somaliland waxaanu wada shaqaynaa wasaaradda maaliyadda shrka aanu maanta wada yeelanay waxaa uu ku saabsan yahay diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2016 oo aanu filayno in dhawaan loo gudbin doono golayaasha qaranka in aanu wixii aanu kala kulanay safaradii aanu gudi ahaan ku soo marnay qaybo badan oo dalka ka mid ah bari iyo galbedba iyo wixii aanu talo hayno aanu wasaradda maaliyadda siino inta ka horraysa soo gudibnta Miisaaniyadda oo aanu filayno in aya gaba gabo ku dhawdahay si fiicana waanu isku fahanay waxaanan wasiirka iyo tiinkeeda lashaqeeya ku amaanayaa xiliga fiican ee ay diyaariyeen odoroska miisaniyadda qaranka ee 2016ka waxaanan filayaa in ay golaha wakiiladuna ansixin doonaanan insha allaa si ummada loogu sheyo.”
Kulankan shalay ay wada yeesheen Wasiirka Maaliyadda iyo Guddi hoosaadka Maaliyadda ee golaha wakiiladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirudawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saraxdiid(Caddaani) iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo xubnaha gudiga Maaliyadda ee Golaha Wakiiladda
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland