Qaban Qaabada Caleema Saarka Xaflad Suldaan Oo Ka Socota Degmada Gobolka Mudug.

0
320

 

Mudug(Xogsoormedia.com) Waxa baryahan si weyn loo dareemayay qaban qaabada xaflada caleema saarka Suldaan Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ka socota Bali-Qardhaas oo 4KM dhanka bari kaga began Degmda Xarfo.

Sanadkan bartamihiisi ayay aheyd markii Suldaan Sh Cabdiqani Maxamad si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Xarfo waxana intii uu ku sugna Degmada uu kulamo la qaatay waxgaradka Beesha Maxamad Cumar (Cumar Maxamuud) kulamadan oo ahaa kuwa lagaga arinsanaayay sidii loo wajihi laha isbedel horumarineed oo ay beeshu talaabsato.

Guddiga qaban qaabada xaflada caleemo Suldaan Sh. Cabdiqani Qorane Ayaa Sheegay inay ka soo qayb gali doonaan badi madaxda  dalka Soomaaliya iyo aqoon yahanka dawlada isimada nabadoonada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaas oo ka kala iman doona dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here