Canada(Xogsoormedia.com) Waxa markii u horeysay taariikhda wadanka kanada Baarlamaankeeda ka mid noqday muwaadin Soomaaliyeed,waxaana guushan aad ugu farxay soona dhaweeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kanada.
muwaadinkan Soomaaliyeed oo magaciisa la yidhaaho Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa ku guuleestay doorashada Baarlamaanka Dalkaasi, waxaana Axmed uu katirsan yahay xisbiga Liberal , waxaana laga soo doortay Axmed xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto.
Soomaalida kunool Dalka Canada ayaa aad ugu farxay guusha uu gaaray Muwaadinkan Soomaaliyeed ee ka mid noqday Baarlamaanka Dalka Canada, waxa ayna tilaabadan ay tahay mid dhiiro galin u noqoneysa Soomaalida kale ee kunool Dalkaasi.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland