Madaxweynaha Jubaland Axmed  Maxamad Islaam Axmed Madoobe Ayaa U Soo Jeediyay Shacabka Soomaaliyeed In Layska Dhaafo Beesha Caalamka Oo Soomaaliya Iyada Dhexdeedu Tashato Si Doorasho Loo Qabto.

0
289

.

Muqdisho (Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay xafladii furitaankii shirkii wadatashiga ayaa sheegay in  loo baahan yahay in la la xisaabtamo beesha Caalamka, isla markaana shaqada la qabanayo ay noqoto mid Soomaali kaligeed ay qabsato, Caalamkana uu dibada   ka joogo.

Axmed Maxamad Islaam isaga oo arimahaas si faah faahsan uga hadlaya ayaa waxa uu hadalkiis ku bilaabay oo u yidhi  “Waxaa loo baahan yahay in cid walba lala xisaabtamo, beesha Caalamka lala xisaabtamo, waar caalamow waa na daba taagan yihiin anaga wax ha na tusaan, anaga wax qabsaneyno, gacanta ha inoo geliyaan, amaano waa leenahay, waxaa laga yaabaa shaqada aan qabsaneyno in la ina yidhaahdo beesha Caalamka maxay ka qabaan bal Nicholas Kay hala soo weydiiyo, iyaga sidaa yeelanaya, waa inaan mar dhow ka tagnaa Caalamka, wax kasta inaga oo Soomaali isku raacno, anaga wada tashigeeda aan gaadhno, waxaa hubaal ah inay cid walba ku qasban tahay inay anaga na raacdo”

Dhanka kale madaxweynaha Jubaland waxa uu carabka ku dhuftay in doorashada 2016 dhacaysa  doorashada in Madaxda Maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay danahooda gaarka ah ka hormariyaan danta Umadda Soomaaliyeed.

Shirka Madasha Wada tashiga doorashooyinka sanadka 2016 ayaa maanta lagu wada in la soo gabagabeeyo waxaana laga yaaba in gobolada loot ago wada tashi iyo sida ay suurtagalka u tahay in Soomaaliya laga qabto doorasho lagaga wada arrinsado.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here