.
Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa maanta si toosa shaaca uga qaaday in Keydkii Haamaha Shidaalka ee Magaalada Barbara,ee baryahan danbe muranku Ka Taagna Lagu wareejiyay shalayto lix shirkadood, oo gaar loo leeyahay xukuumaduna ka kireysay.
Wasiirka oo warbixin kooban siiyay BBC-da waxaa uu sheegay in lixdan shirkadood ay horeba u keeni jireen shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera muddo dhan labaatan sanadood .
Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Wax kaloo faahfaahino intaas dheera muusheegin wasiirku.
Xafladda shalay ka dhcday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa ay gabi ahaanba warbaahintu dibad ka joog aheyd, iyada oo magaalada Barbarana la dhoobay ciidamo aad u tiro badan oo booliis iyo Milatariba leh.
Sida la wada og yahayna hore ayay Baarlamaanka Somaliland cod aqlabiyada ugu diideen In Keydkan Haamaha Shidaalka ee Magaalada Barbara ganacsato gaara oo aan tartan furan u soo galin.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland