Puntland Oo Gudaha Somaliland Ku Xidhay Saraakiil Shaqo Qaran U Socday iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Arrimaha Diiwaan Galinta

0
331

Ceerigaabo(Xogsoormedia.com):- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa gudaha Somaliland ku xidhay oo maxaabiis kaga dhigtay Saraakiil u socday shaqo qara.

Saraakiisha ay Puntland xidhay ee ay maxaabiis ku soo xadgudubtay dalkooda ay ku sheegtay ayay ka qabteen meel u dhaxaysa Yubbe iyo Hadaaftomo oo ah deegaanka Bariga Sanaag.

badhan

Saraakiisha ay Puntland xidhatay oo ay tiradoodu dhan tahay sagaal ruux ayaa kala ah Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Gobolka Sanaag Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Degmada Ceerigaabo iyo madaxda laba Hay’adood oo waddani ah oo ka shaqaynayay wacyigalinta diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo la filayo in ay dhawaan dalka ka bilaabanto.

Xildhibaan Qamar Taleex oo oo ka tirsan Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Ceerigaabo oo ka mid ah 9 deed qof oo ay xidheen Maamulka Puntland ee Snaag bari,ayaa ku adkaysatay in xadhigooda aan lagu sheegi karin afduub laakiin ay tahay qabasho Maamul kale ay ku qabteen kuna xidheen magaalada Badhan.

.

Sideeda qof ee Maamulka Puntland ku xidhay magaalada Badhan ee gobolka Bahdan,ayaa kala ah Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, Guddoomiyaha Hay’adda Tanabtaabo, Cumar Jaamac Sarkaal kale oo ka socday Hay’ad kale oo ay Tabantaabo ka wada shaqaynayaan dhanka wacyigalinta Codbixiyeyaasha oo lagu magacaabo Ismaaciil,Xildhibaan Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo,dirawal iyo hawlwadeeno kale.

Qamar oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi. “Horta nalama afduubin ee waxaa na qabtay oo gacanta nagu dhigay isla markaana na xidhay ciidan ka tirsan Maamulka Puntland oo ciidan iyo madaxba ku leh deegaanada Sagaan Bari amma gobolka Badhan.”ayay tidhi Xildhibaan Qamar oo la hadashay Warbaahinta,waxaanay intaa ku dartay.

Anagu waxaanu ka tagnaymagaalada Ceerigaabo markii aanu maraynay meel u dhaxaysa Yubbe iyo Hadaaftimo,ayay ciidanka Daraawiisjta Puntland na qabteen waxaanay noo kaxeeyeen dhanka magaalada Badhan,halkaas oo nalagu xidhay,laakiin markii dambe aniga(Qamar) way I sii daayeen laakiin raggii oo dhami way u xidhan yihiin,waana xaqiiqo jirta in deegaanka bariga Sanaag amma Gobolka Badhan in ay ka jiraan laba Maamul oo kala ah Somaliland iyo Puntland magaalada Badhanna waxaa wada degan labada Maamul oo mid kasta waxaa ka jooga ciidan haddana ragga xidhan ee aanu wada soconay waxaa ay ku xidhan yihiin magaalada Badhan dhanka Puntland.”

Xukuumadda Somaliland,ayaa ku guul darraysatay in ay deegaanada Bariga Sanaag ku sugto ka jiritaanka Dawladnimada Somaliland oo kaliya iyo in aan deegaankaa aanu ka jiri karin maamu kale oo cadaw ku ah Somaliland.

Waxaanay tani muujinaysaa in deegaanada Sanaag Bari aanay ku wada jirin gacanta Somaliland isla markaana aanay suuragal ahayn in halkaa ay ka qabsoonto diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo ta muwaadinku si ay uga qabsoomaan doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo golaha wakiiladu.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here