Masuuliyiintii Koomiishanka Iyo Xubnihi Kale Ee Lala Afduubay  Shalayto Oo Xoriyadoodi Dib U Helay Kuna Soo Jeeda Magaalada Ceerigaabo.

0
326

 

War Deg Dega

Badhan:(Xogsoormedia.com)  War hada naga soo gaadhay magaalada Badhan  ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Xubnihii ka tirsana Koomishanka Dooraashooyinka Qaranka iyo xubnihi kale eel ala afduubay ay dib u heleen xoriyadoodi.

Iyada oo shalay afduubeen ciidamo inta ka amar qaata Maamul goboleedka Puntland.

Waxaana la filaya in goordhow ay soo gaadhaan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag sida uu sheegayo wariyaha Odweyne News uga soo warama Magaalada Badhan Mr Darwiish.

.Xubnahan markale xoriyadoodi dib u helay ee shalayto laga qafaashay magaalada Badhan oo ay hawl shaqo u joogeen ayaa kala ahaa.

Guddoomiyaha Komishanka G/Sanaag Axmed Cali Biixi Guddoomyaha Ururka Waddaniga ah Ee Taakulo Cumar Jaamac Faarax iyo Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax oo ka tirsan golaha deegaanka Magaalada Ceerigaabo iyo Dirawaladii u waday Gaadiidkii ay la socdeen.

Wixii warara ee danbe ee ka soo cusboonaadana waxaanu idiinku soo gudbin doona baahintayada danbe.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here