Hargeysa(Xogsoormedia.com) Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa goordhaweyd warsaxaafadeedka soo saaray afduubkii shalay loo geystay Masuuliyiintii Koomishanka iyo Xubnihi kale ee ku wehelinaayay hawshooda shaqo.
waxaanu warsaxaafadeedku u qora sida tan
saarayRepublic Of Somaliland Jamhuuriyada Somaliland
National Electoral Commission Guddida Doorashooyinka Qaranka
Taar: 19/10/2015
Ref: PR/134NEC
WAR-SAXAAFADEED
Maalintii Shalay oo ay Bisha Oktoobar ahayd 18/2015, waxa si lama filaan ah loogu qabsaday meel u dhexaysa Yuube iyo Hadaaftimo, koox ka socotay wacyigalinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo masuuliyiin ka tirsan KDQ heer gobal ah, oo ka ambabaxday magaalo madaxda gobolka Sanaag.
Masuuliyiinta hawshan waday waxay siteen warqada qoraal ah oo lagu wargalinayey shaqada ay u qabanayaan KDQ.
Warqadan oo ka soo baxday KDQ, kuna socotay dhamaan;
- Gudoomiyayaasha Gobolada dalka.
- Maayarada Gobolada dalka.
- Gudoomiyayaasha komishanka heer gobal.
- Gudoomiyayaasha komishanka heer degmo
- Iyo masuuliyiinta kale ee heer gobol iyo mid degmaba ah.
Ka hor bixixitaankii masuuliyiinta xagga Sanaag bari, waxay masuuliyiintu la shireen, maamulka heer gobal iyo degmoba Ceerigaabo una gudbiyaan fariinta ay ka sidaan KDQ.
KDQ markuu la xidhiidhay, Suldaanka guud suladaan Saeed Suldaan Abdislaan suladan Ali shire, maamulka gobalka iyo masuuliyiintii hawsha waday waxa ay xaqiijiyeen in la soo af jaray hawshaa, masuuliyiintiina dib ugu soo laabteen magaalada ceerigaabo.
Allaa mahad leh
Komishaneer:
Saciid Cali Muuse
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland